Thursday, December 26, 2013

Dhaqan-maal: Maxaad ka taqaanaa Xeer-beegti dhaqameedka Soomaalida?Q2-aad


Akhristeyaal Qormaddeena dhaqan Maal ee Khamiista maanta waxaynu ku soo qaadanaynaa qaybtii labaad ee Mawduuc ku saabsan hab Dhaqameedka Bulshada Somalidu garta u qaadi jireen xiliyadii Casri Jaahiliga ama aynu nidhaahno intii aanay dunida la jaanqaadin arrimaha Garsoorka Soomaliddu.




Todobaadkii hore waxaanu idiin soo gudbinay qaybaha garta Soomaalida, sida loo naqo iyo sheekooyin kale oo la xidhiidha, iyadoo aynu si kooban isu barbar dhignay garsoor dhaqameedka iyo kan xiligan ee Magaalooyinka laga isticmaalo.




Hadaba qormadana maanta waxaynu ku eegi doonaa dhacdooyin iyo Sheekooyin waa hore dhacay oo ay qoreyaasha iyo dadka arrimahan baadhaa soo wariyeen.




Waxa beri dhacday inay laba nin isku qabsadeen caaqilnimo, ka dibna waxay isu tageen nin Xidaar ah (Garyaqaan), dabadeedna wuxuu geeyey geed hadh-subaxeedkii, iyadoo ay goortu ahayd goor barqo ah, markii uu halkaa geeyeyna wuxuu ku yidhi "Galabta haynoo ahaato, halkaasna sii fadhiya".




ka dibna hadhkii ayaa wareegay markii ay qoraxdii subaxnimadii dhaaftay, laakiin labadii nin ayaa mid ka mid ahi halkii la fadhiisiyey ee lagula ballamay fadhiyey oo aanu ka kicin, halkaas oo uu bacadkiisii fadhiyey, isaga oo ku dhididay, kuna harraaday, ninkii kalena kol-ba halka hadhku u wareego ayuu u wareegayey , dabadeedna galabtii ayaa odaygii Guurtida ahaa u yimi , ka dibna wuxuu arkay labadii nin oo uu midna hadhkii faxaaxsanayo, midna uu halkii saaka hadhku ka tegay fadhiyo oo aanu silic waxba uga dhinayn, ka dibna odaygii Guurtida ahaa ayey ku yidhaahdeen na kala saar, dabadeedna odaygii ayaa yidhi "Maxaan idin kala saaraa idinka ayaaba isu garnaqaye, waayo ninka bacadka ka kac garanwaayey reerka uu u taliyaa saw jabi-maayo, ninka kol-ba halka hadhka leh u wareegayeyna sow kolba halka talada iyo xaajadu reerku joogto ku go’aan qaadan maayo", sidaas ayeyna gartii labadaa nin ku dhamaatay.




 




Waxa kale oo la sheegay inay laba nin oo uu mid markaa ahaa suldaan ay isku qabteen saldannada reerka, ka dibna sida igu maqaalo ah waxay isula tageen Ina-Cabdulla Xasan, dabadeedna Ina-Cabdilla Xasan ayaa ugu horayn labadii nin maalin casuumay, ka dibna labadii nin ayaa mid sii kaxaystay 100 nin oo isugu jira reerkiisa iyo reerihii kale ee la yaalayba, halka uu kii kalena keligii casuumaddii tegay, dabadeedna Seyidkii baa ninkii keligii yimi ku yidhi "Dhaharow maxaynu ka wada hadlaynaa waxa kaa madaxsan ninka dadkiiba dareersadaye", sidaas ayeyna labadaa nin gartoodu ku dhamaatay.




 




Sidoo kale dhacday inay laba nin oo sida la sheegay Ciise ahaa ayaa mid ka mid ahi maroodi dilay oo dhaawac u geystay , ka dibna nin kale oo Ciise ah ayaa dhiigii maroodiga ka daatay raadkiisa raacay, dabadeedna wuxuu u tegay maroodigii oo aan waxba la noolayn, ka dibna wuu dhaawac-tiray oo sidaa ayuu maroodigii ku qudh baxay , laakiin labadii nin ee midna maroodiga dhaawacay, midna dhaawac-tiray ayaa dacweeyey oo xeer Ciise isla galay iyaga oo sida la sheegay geedkii 1aad ilaa geedkii 12aad isla maray, dabadeedna oday ka mid ahaa raggii geedka fadhiyey ayaa arintii loo sheegay, odaygii baa yidhi, "Sow tii la yidhi Maroodiga durdur mooyee dar ma deeqo, oo duur mooyee dureemo ma qariso, oo nin makala (qudh-jara) mooyee nin mudaa ma dilo".




Ka dibna gartii sidaa ayey ku dhamaaatay, laakiin sida aan sheeko ku maqlay odaygii markii uu gartii sidaa ku dhameeyey ayey naftii ka baxday oo sidaa ku dhintay, waxaana la yidhi waxa halkaa ku baxay halkudheg la magac baxay "Nin malaggii galay iyo mamaasan (Qabiil) u gal".




 




Gar-booli: Waxa dhacda inay laba qof ama nin isku qaybsadaan wax aanu midkoodna lahayn, sida lacag iyaga oo wada socda ay meel cidla ah ka heleen, ka dibna uu labada nin midna hor arkay, midna horqaaday, lacagtaasina waa booli aanu labada nin ee isku haysta midna lahayn, laakiin marka laga gar-qaado labada nin mid-baa booligaa yeelanaya oo aanu xayiigle (Xaqlihii ay lacagtu ka luntay) mooyaane aanay cid kale ka kaxayn karin. Sidoo kale waxa dhacda xiliga dagaalada in nin colka labada dhinac ee dagaalamaya ka mid ahi uu dilo nin cadawga ka soo horjeeda ah, laakiin uu nin kale oo warranle ahi uu furkii ninka la dilay gacanta ku dhigo, iyadoo uu furkaasi noqon karo Faras ama qori, ka dibna ay furka ninkii ninka dilay iyo ninkii furka gacanta ku hordhigay isku qaybsadaan. Labadaas nin-na nin wuxuu taagan yahay "Anigaa ninka dilay oo furka ka ritay ama furkiisa dhacsaday maadaama aan dilay, nin-na wuxuu leeyahay anigaa naftayda biimeeyey oo cadawga ka soo qaatay furkan."




 




Sidoo kale waxa kale oo iyana dhacda in geel la soo dhacay uu nin habeenka hore xeraysto, ka dibna uu ninkii la soo dhacay ka sheegto, laakiin waa tii la yidhi Gari laba nin kama wada qosliso, sidaa darteed garta booli xeerkeedu waxa weeye "Booli waxa leh ninka gacanta ku hordhigay ama uu xeradiisa soo horgalay", ninkaasna waxa kiciya ama gar xoolahaa kaga qaadi kara ninkii yedlaha ahaa ee xoolahaa lahaa, laakiin meelaha qaarkood waxa xeer u ah in ninka wax dilay ee furka la isku haysto ninkii lahaa dilay la siiyo qaalin la yidhaahdo Shakama-qabad. Ta kale marka laga hadlayo xeerarka dagaalka gaadaha (Dilka dhuumashada ah) mooyaane gulufku (Dagaalka kafool-kafoolka ah) ma laha godob gaar ah, laakiin hadhow marka la heshiiyo ama la is-waraysto ninkii furkii hebel inuu hayo lagu waraysto ama lagu arko, ninkaasi isaga ayaa qaba ama loo raacayaa godobtii ninkii furka lahaa ee la dilay.




 




Waxa kale oo dhacday ama dhacda inay laba nin oo dagaal wada galay isku mar qori gacanta ku dhigeen, ka dibna way isku qabsadeen, laakiin markii ay indoora kala maroojisanayeen ee ay isku xiiqeen ayaa markii dambe mid qorigiisii uu hore u sitay tuuray, dabadeedna ninkii kale inta uu sii daayey ninkii qorigiisa tuuray ayuu qaatay qorigiisii uu tuuray, isla markaana ninkii qorigiisa tuuray wuxuu qaatay qorigii booliga ahaa ee ay ninka kale isku haysteen.




Laakiin maalintii dambe ayuu ninkii qorigiisii tuuray ee uu ninka kale qaatay yidhi "Qorigaygii ayuu ina hebel haystaa markaa xigaal ayeynu nahay oo dhac inagama dhexeeyo’e halayga keeno qorigayga", dabadeedna waa laga siiyey, ninkii qoriga laga qaaday waxa la siiyey samir-siis si aanay xigaalnimadu u dhantaalmin.




Waxa kale oo dhacday inay wada duuleen laba qolo oo fandab leh (Xurguf), ka dibna waxay soo dhaceen geel, dabadeedna geelii ay soo dhaceen ayaa habeenkii meel looga xero-dhigay, iyadoo ay qolo waliba geel gaar ah wadato, waxayna ku kala xereeyeen laba xero oo isku qabsan, laakiin geelu waa oomman yahay, dabadeedna oday xiribta yaqaan (farsamada xoola-dhaqidda) oo labadii col midkood ka mid ah ayaa yidhi " Xeradeenna waxaad ka dhigtaan xagga xigta ceelkii uu geelu ka cabbi jiray, isla markaana oodda labada xero u dhexaysa (Qoqobka labada xero) waxaad ka dhigtaan mid gaabban", dabadeedna sidii bay yeeleen, ka dibna habeenkii ayaa geelii qolada kale tuladii hal-doorka ahayd oo dhami xeradii kale ee xagga ceelka xigtay ee colka kale u dhacday, balse subixii ayaa geeli xerada kale u daatay nin is yidhi dib u celi, laakiin nin colkii kale ka mid ahaa ayaa ninkii is-yidhi geela dib u sooc xabbad ku dhuftay, sidaa ayuuna ku dhintay, dabadeedna...




La soco qaybaha dambe..




Diyaariye: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




Email: editor@gobanimonews.com /curad1986@hotmail.com




Tel:063-4229772