Tuesday, December 31, 2013

Dhegeyso: Dhismaha Laamiga isku xidha Wajaale iyo Gabiley 6KM ka hadhay".


Wajaale(GNA) Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Mudane Abiib Diiriye Nuur, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Mudane Bashiir Cabdi Xariir iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa maanta waxa ay kormeer ku tegeen Wadada isku xidha Wajaale iyo Kala baydh oo 12 KM la dhamaystiray isla maantaba sida ka muuqata sawirada iyada oo ay hadhsan tahay 6 KM oo ka dhiman wadadan oo ah cabir ahaan 18KM.




6KM ee hadhayna waxa ay xukuumadu balan qaaday in ay 2KM oo kale ku dari doonto, halka 1KM oo kalena ay qaadatay Dawlada Hoose ee Gabiley, 1KM na uu qaatay Ganacsade Jaamac Omaar, 2KM ee soo hadhayna ay qaateen ganacsatada iyo maalqabeenada Degmada Wajaale oo kulan balaadhan oo lagu qaybsaday kharashka ay ku kacayso labadaa 2KM ku qabtay Bile Hotel oo ay ganacsatadu kaga dhawaaqeen qaadhaan ka qof walba uu ugu deeqay wadadaasi.




Sidoo kalena waxa uu wasiirka Madaxtooyadu xadhiga ka jaray wadada halbawlaha u ah degmada Wajaale oo laga hirgeliyey magaalada gudeheeda oo ay dhamaystireen golaha deegaanka iyo Gudida horumarinta degmada.




wadadaas oo ah mid qiimo weyn ugu fadhiday degmada marka loo eego dhibtii ka haysatay gaadiidka xamuulka sida iyo kuwa yar yar ee raaxadaba oo magaalada dhexdeeda ku gadoomi jiray ama ku dhici jiray iyaga oo raran ama aanay u gudbi Karin halka ay rabaan marka uu roobku da’o, taas oo dhib weyn ku ahayd ganacsiga degmada oo runtii ah illaha ugu muhiimsan dalka marka laga hadlaayo dhaqdhaqaaqa ka jira degmada, taasi oo ay sababtay wajaale oo ah xuduudka labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia oo uu ka dhexeeyo xidhiidh soo jireen ah oo dhanka siyaasada, ganacsiga iyo iskaashiga labada dawladood ah.




Waxa kale oo ay Weftiga wasiirada oo ay wehelinayaan maayarka Gabiley iyo Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ay u soo kicitimeen dhinaca Gabiley iyaga oo isla markaana intaanay soo gaadhin gabiley ay soo kormeereen ceelasha biyaha laga qoday ee la doonayo in degmada wajaale ay noqoto degmo ay gaadhaan biyo xareed ah oo weliba saddex jeer ka macaan biyaha ay gobolada kale cabaan kuwaas oo laga qoday meesha la yidhaahdo Botorta, halkaas oo sida ka muuqata sawirada ay ceelashu u shaqaynayaan sidii la rabay beebab kii iyo dhuumihii gayn lahaa wajaalena ay hada marayaan meel dhexe dhawaana ay gaadhi doonaan insha allaa degmada wajaale taasi oo soo af-jari doonta baahidii biyo la’aaneed ee ka jirtay wajaale waxaana gacan wayn ka gaysatay xukuumada uu hogaaminaayo Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo.




Halkan ka Dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Weftiga-Wasiirada-ee-maanta-ka-wajaale-hwlaha-shaqo-u-tegay.mp3"][/audio]




IMG_0003 IMG_0006 IMG_0015 IMG_0020 IMG_0024 IMG_0038 IMG_0045 IMG_0048 IMG_0064 IMG_0066 IMG_0068 IMG_0078 IMG_0081 IMG_0085 IMG_0088 IMG_0090 IMG_0092 IMG_0095 IMG_0097 IMG_0101 IMG_0104 IMG_0106 IMG_0113 




Gobanimo news.com




Wajaale office-somaliland




BY:Mustafe caraale