Tuesday, December 31, 2013

Puntland: Hubka lagu ilaalinayo Musharixiinta iyo Ciidanka Amniga oo khaati kala taagan


Musharax Gaagaab oo u tanaasulay musharax kale iyo Garabsigii Musharixiinta oo dhamaaday”Akhri warbixin Doorashadu halkay marayso




Garoowe(GNA)-Murashax jagada Madaxweyne ee Maamulka Puntland Shire xaaji farax, ayaa saacaddo badan ku xanibnaa meel dibada ka ah Magaalada Caasimada Garoowe, ka dib markii ciidanka amnigu u diideen inuu Magaalada la soo galo laba Gaadhi oo Tikniko ah oo la socday.




Waa musharixii saddexaad ee Handidaad loogu gaystay Gobolka bishan December, waxaana hore hub iyo ciidan ilaaladiisa ah loogu diiday inuu Garoowe la soo galo Musharax Cabdiwali Maxamed Gaas, halka labada musharax oo kalena rasaas ciidanka daraawiishtu ku rideen todobaadyo ka hor.




Go’aanka ciidamada amnigu ku hor-istaagay gaadiidka Gaashaaman ee musharaxa la socday ayaa sababi gaaray isku dhac u dhexeeya ilaaladiisa iyo ciidanka Daraawiishta, kaasoo uu baajiyay, ka dib  markii uu u kala dabqaaday labada dhinac, si uu uga hortago isku dhaca.




Wararka ayaa sheegay in waxa xaajood saacaddo badan qaatay, ka dib Musharaxa laga reebay mid ka mida labada gaadhi ee loo diiday oo ah mid weyn, halka kii kalena soo raacay, taasoo ka dambeysay isfaham dhex maray ciidanka.




Isfahamka ayaa ka dambeeyay ka dib kulan dhex maray Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland  Gen. Siciid Dheere, Cali Xaaji Warsame  iyo Shire Xaaji Farax, kaasoo arrinta lagu xaliyay.




Muranka soo noqnoqda ee u dhexeeya Ciidanka amniga iyo Musharixiinta ilaaladoodu hubaysantahay, ayaa walaac dhanka amniga ah ku haya daneeyayaasha Doorashada iyo dadka shacbiga ah.




Doorashada ayaa lagu wadaa inay dhacdo 8 Janaury ee sanadka bilanaya, waxaana ku tartamaya in ka badan 20 Musharax.




Baarlamanka Madaxweynaha dooranaya ayaa xalay si rasmiya loogu dhaawaqay, ka dib markii nidaam qabali ah lagu soo xushay.




Dhinaca kale, laba musharax ayaa maanta ku dhawaaqay inay isu tanaasuleen.




Ka dib Shir ay wada qaateen saaka Murashax Cali xaaji Warsame iyo Murashax Maxameed  Cali Yuusuf ayaa waxaa ka soo baxay in Mr. Gaagaab uu u tanaasuleo Cali Xaaji, sidaasna uga tanaasulo Murashaxnimada Madaxweynaha.W




Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo soo noqdey Wasiirka Maaliyada iyo Madaxweyne Xigeen ayaa bartamihii sanadkaan shaaciyey inuu u tartamayo Doorashada Madaxweynaha Puntland 2014.




Geesta kale, Musharixiinta u tartamaya Kuraasta Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ayaa dhamaantood soo dhaweeyay xildhibaanada cusub ee xalay lagu dhawaaqay.




Tan ayaa ka dambeysay shir maanta ay ku yeesheen Magaalada Garoowe, kaasoo ka dib markii uu dhaamaaday Musharixiintu ku dhawaaqeen inay taageersanyihiin habka loo soo xulay Baarlamanka.




 




Waxaa maanta si rasmi ah u bilowdey Ololaha Doorashada ee Murashixiinta iyadoo Murashax walba uu shaqsi ahaan u ololaynayo, waxaana hada laga bilaabo  dhamaadey kulamadii iyo isgaashaan-buuraysigii Murashixiinta.




Fagaareyaasha ayaa si toosa ay uga hadli doonaan Musharixiinta.




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com