Monday, December 30, 2013

Arsenal Oo Ku Soo Noqotay Hogaanka Horyaalka Premier League Ka Dib Guul Ay Ka Gaadheen Newcastle


Sports (GNA) Arsenal ayaa ku soo noqotay hogaanka horyaalka Premier League ka dib markii ay guul 1-0 ah ka gaadheen kooxda Newcastle oo marti loogu ahaa St James Park, waxaana ay sannadka 2013 ku dhameysteen iyaga oo hogaanka haya.




 




Tababare Arsene Wenger ayaa ku soo galay ciyaartan iyada oo uu ka maqan yahay Mesut Ozil kaa soo ka dhaawacmay garabka islamarkaana maqnaan doona labo ilaa iyo seddex kulan, iyad oo Wilshere uu isna ku soo Noqday line-ka ka dib ganaaxiisii labada kulan.




 




Arsenal ayaana qeybihii hore ee ciyaarta abuurtay fursado yaryar iyadoo goolhaye Tim Krul uu intaba ka hor joogsaday.




 




Laakiin fursadihii ugu fiicnaa ee ciyaarta waxa ay yimaadeen daqiiqadii ugu danbeysay ee qeybta hore markii kubad uu qalday Koscielny uu helay Anita kaasoo u dhiibay Cabaye laakiin darabadiisa waxa u soo noqotay ciyaaryahanka garabka ka ciyaara kaasoo haweystay goolka laakiin waxaa si fantastik ah kaga bixiyay goolhaye Szczesny.




 




Koonerkii baxay waxaa soo tuuray Cabaye iyadoo kubada uu madaxa la helay Debuchy waxaana ay ku dhacday xagasha birta ka hor inta aanu madax ku yara taaban Wilshere oo xariiqda goosl ka badbaadiyay.




 




Labadaas fursadood ee isku xigixigtay oo ay heshay Newcastle ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta oo barbaro goolal la’aan aheyd.




 




Qeybtii labaad daqiqiadii 65aad ee ciyaarta ayaana Arsenal ay qabatay hogaanka ciyaarta ka dib markii laad xor ah uu soo tuuray Theo Walcott uu madax raaciyay Olivier Giroud kaasoo ku guuleystay in uu kubada dabamariyo goolhaye Tim Krul.




 




Olivier Giroud ayaana soo gabagabeeyay 499 daqiiqadoo uusan gool ka dhalin horyaalka Premier League.




 




Arsenal ayaana ku dhawaatay inay hesho goolka labaad seddex daqiiqo ka dib markii Cazorla uu kubada u dhigay Wilshere kaasoo isna u dhex bixiyay Walcott, laakiin xiddiga reer England ayaa kubada ka kor qaaday Tim Krul waxaase xariiqda goosha ka badbaadiyay Debuchy, Giroud ayaana ka faa’ideysan waayay kubadii ku celiska aheyd.




 




Daqiiqadii 82aad ayaa Arsenal ay ku sigatay inay gool hadiyad isaga bixiso ka dib markii kubad uu goolhaye Szczesny iska fogeynayay ay madaxa uga dhacday Loic Remy, taasoo keentay in kubadii soo noqotay ay goolka si ciriiri ah ku hareermarto.




 




Newcastle ayaana cadaadis saartay Arsenal daqiiqadihii ugu danbeysay ee ciyaarta laakiin waa ay ku hungoobeen inay helaan goolka barbaraha ee ay raadinayeen iyadoo Ben Arfa uu fursad qaali ah ka qasaariyay.




 




Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday Arsenal kuwaasoo haatan ku soo laabtay hogaanka horyaalka iyagoo leh 42 dhibcood waxaana ay hal dhibic ka sareeyaan Man City oo kaalinta labaad u dhacday.