Saturday, December 28, 2013

Aqoon darrada Saxafiiyiinta dalka iyo Ayaan darrada ururka Saxafadda Q3aad


Marka labaad hadan ka hadlo ayaan darrada mamulka ururka saxafiyiinta “SOLJA” waa halka ay saxafada Somaliland ka duntey ee ay bilaa tayada ka noqotey wa’ayo waabilaa himilo ”vision” waana bilaa qorshe “plan” hadii ay himilo yeeshaan qorshane samaystaan si aya ugaadhaan himiladooda iyaguna dhaqale fiican ayay heli lahaayen saxaafaduna heer ayay gaadhi lahayd iyagaban tayo lahayn,




Ururka saxafiyiinta ee “SOLJA” ma hayo tirakoobka wariyaasha waxaana ku waajib ah in dhamaan saxafiyiinta dalka oodhan ay liis ugu jiraan, waa inaaney soo ag cararin saxafiga ama wargayska qaldan ee ay runta u sheegaan markay iyagu gaarka isku noqdaan, marka nin wariye ah lagu xidho hargeisa ama magaalo kale, hadad u hadasho oo aad magacii ururka SOLJA ugu hadasho lakin adan hubinba waxa uu yahay iyo inuu wariye yahay waa ayaan darro.  mamulka uruka saxafiyunta iyo siday ay wax umaamulanba maanta adbey u liidataa waxaa loo bahanyahay inay isbadal sameeyaan, dadka qaarbaa ugu dooda goodimayaha uruka SOLJA waa codkar iyo waa afmiishaar, Afmiisharnimo ma shaqayso ee waxaa loobahanyahay inuu caqliga ka shaqaysiiyo, waxaan micno lahayn habeen oodhan inuu ku mashquullo waa laga warhayaa waxba ma qarsomaan oo ninkii gudcur fartaagay ayaa la ogadey ee waa inad sidan wax ka badashaa oo aad maamul wanaag samaysaa




 




Dhamaad….




 




Qalinka: Mohamed Abdi Hashi