Sunday, December 29, 2013

Burco: Wasiirro hawlo shaqo u jooga oo Mashaariic furay


Burco(GNA)-wasiirka wasaarada Beeraha Faarax Cilmi Geedoole iyo wasiirka wasaarada Deegaanka Shugri X.Bandare  oo  maalmahanba hawl shaqo ku joogay Magaalada Burco ayaa xadhiga ka jaray wado laami ah oo hal kiiloo mitir ah iyo wado kale oo ka dib u habayn lgu sameeyay kuwaas  oo ay hirgalisay dawlada Hoose ee Magaaladaasi.




Labadan wasiir oo mid waliba xadhig ka jarista hadalo kooban ka jeediyay  ayaa  shacbiga reer Burco ugu baaqay inay nabadgelyada ilaashadaan,oo horumarka ka shaqeeyaan.




Wasiirada Degaanka oo ugu horayn  hadalo kooban ka jeedisay Munaasibadda ayaa sheegtay in shacbiga somaliland ku taamayo sidii ay Gobolka ula wadaagi lahaayeen dadka ku dhaqan.




 ''Reer Hadii aad tihiin qalbigiina waxaan u sheegayaa in laydiin soo guuri doono,oo halkan laysugu iman doono,waakan waydiiya wasiirkii beeruhu ilaa borame ayaa Togdheer usoo guuraya,idinkuna gamhacaha isu qabsada,horumarka,wadooyinka iyo nabadgelyada”ayay tidhi Wasiir Shugri Xaaji Baandare.




Geesta kale, Wasiirka wasaarada Beeraha Faarax Cilmi Geedoole ayaa amaan u jeediyay Dawladda hoose ee Burco Mashaariicdan horumarineed ee ay ka fulisay magaalada, isagoo geesta kalena fariin u diray shacbiga magaalada.




Waxaanu yidhi “aad baan dawlada hoose ee mashaariicdan fulisay ugu mahadnaqayaa horumarkana waa shay muhiim ah,reer burcona waxan leeyaay caqligu ha shaqeeyo oo nabada ka shaqeeya iyadaa horumarka lagu gaadhaaye”.




Maayarka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdi(Maxamed Muraad) ayaa isna diniciisa sheegay inay mashaariicdan  iyo kuwo kaleba ay dawlada hoose fulisay isla markaana ay sii laban laabi doonaan mashaariicda halbawlaha u ah horumarka iyo bulsada reer Burco .




sidoo kalena waxaa iyaguna halkaas ka hadlay wasiiro kale oo ay ka mid yihiin wasiirka xanaanada Xoolaha,Ciyaaraha,iyo badhasaabka Gobolka Togdheer  Axmed Cumar X. Cabdillaahi (xamarji), kuwaasoo dhamaantood reer Burco ugu baaqay inay nabda ilaashadaan.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office