Monday, December 30, 2013

Muqdisho: Qarax Askar lagu laayay Hanjabaadii Al-shabaab ka dib


Muqdisho(GNA)-Laba qarax ayaa ka dhacay bar control oo ciidamada dowladu ku leeyihiin halka loo yaqaano Ceelka Cali Geeddi oo ka tirsan degmada Kaaraan.




Laba askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, mid kalena waxa ka soo gaaray dhaawacyo.




Qaraxa ayaa ka dhashay Miinooyin goobta la dhigay oo sida loo malaynayo ah nooca meelaha fog fog laga hago.




Qarax ayaa jimciihii ka dhacay Xaafadda Bangaali ee Degmada Dayniile, waxaana ku dhintay 11 qof oo askarta dawladda u badan.




Kooxda Alshabaab ayaa ku hanjabtay inay weerarayso gooobaha dawladda, waxaanay dadka shacbiga ugu baaqeen inay ka fogaadaan xarumaha dawladda.




Laakiinse afhayeenka  maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan oo ka jawaabay hadal ka soo yeeray gudoomiyaha Al-shabaab gobolka Banaadir ayaa sheegay in hanjabaada lagu  khal khal geliyo amaanka caasimada, isagoo shacabka ugu baaqay iney dheg jalaq u siin hadalada noocaas ah.




"Cabsi awgeed nin qol isku soo xiray oo taleefan ka soo diraya magaaladana aan joogin hadalkiisa nama cabsi gelinayo, shacabka Muqdisho nabad ayay qaateen, dowladnimay rabaan, hanjabaadna xiligeeda lama joogo" ayuu yiri Maxamed Yuusuf.




Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay xaqiijiyeen amaanka caasimada oo uu xusay inuu aad u fiican yahay isagoo xusay iney dhacaan mararka qaarkood falal amaan daro sida qaraxyo yar yar iyo dilal taasna ay kala siman yihiin caasimada caalamka oo uu sheegay in maalin walba ka dhacaan waxyaabo noocaas ah.




 “Kooxaha nabadiidka gabalkoodii waa dhacay, umaddii oo dhan ayaa nacday, awoodii ay lahaayeen waa la wiiqay, iyagaa dhuumasho ku jira, nin baxsad ahna cid uu waxyeeli karaba ma jirto isagaa tiisa u yaaban” ayuu intaa ku daray.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com