Monday, December 30, 2013

Daraasad La Sameeyay oo Lagu Ogaaday Dumarka Ta Ugu Nasiibka Badan


(GNA) Daraasadan lagu sameeyey haweenka laguna kala ogaaday in eey ku kala nasiib badan yahiin bilaha eey dhashaan ayaa waxuu ka careysiiyey qeyb ka mid ah dumarkii ka qeyb galay jawaabtii khubarada samaysay baadhitaankan.




Marka aqristoow adigu sideey kula tahay adigoo fikradaada ka dhiibanaya.




Haweenayda Dhalata bisha January :-Waa haweenay qorshe badan , anshax wanaagsan , hasayeeshee waxay u janjeedhaa dhanka murugada.




Haweenayda Dhalata bisha February :-Waa haweenay Qalbi debacsan, waana xaas la jecel yahay iyo hooyo naxariis badan




Haweenayda Dhalata bisha March :-Waa haweenay wareersan , hadal badan , waxayna u janjeedhaa muran iyo dood




Haweenayda Dhalata bisha April :-Waa haweenay isbedel badan, khibradeedu ay yar tahay, hasayeeshee aad u qurux badan




Haweenayda Dhalata bisha May :-Waa haweenay aad u qurux badan , la jecel yahay, nasiib wanaagsana leh




Haweenayda Dhalata bisha June :-Waa haweenay dabeecad xun, xanaaq badan, kaftankeeduna badan yahay




Haweenayda Dhalata bisha July :-Waa haweenay quruxdeedu ay tahay heer dhexe, waji adag leh, dabeecad xun




Haweenayda Dhalata bisha August :-Waa haweenay madadaalo badan , waxaana inta badan guursada nin hanti leh




Haweenayda Dhalata bisha September :-Waa haweenay caqli badan, farxad badan. waa haweenay leh soo jiidasho dabiici ah




Haweenayda Dhalata bisha October :-Waa haweenay qurux badan, la duleeyay, nasiib xuna leh




Haweenayda Dhalata bisha November :-Waa haweenay fadli badan, aad u debacsan, nasiibkeeduna wanaagsan yahay




Haweenayda Dhalata bisha December :-Waa haweenay qurux badan, caqli badan, farxad badan, ku takri-falideeda hantiduna tahay mid xad dhaaf ah, waxayna u janjeedhaa nin walba oo nolosheeda ku cusub.




Diyaariye:C/qaadir Ismaaciil baruud (askar)




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com