Saturday, December 28, 2013

Xukuumadda oo xal ku meel-gaadh ah ku hawl-gelisay Booyadaha Shaqo joojinta sameeyay


Gelinkii dambe ee Maanta ayaa la arkayay Booyaddo Biyo sida oo magaalada soo gelayay, xili Rabshado socdaan”




 



Hargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa heshiis ku meel gaadha ku hawl-geliyay Gaadiidka Booyadaha Biyaha dhaamiya ah oo muddo saddex maalmood ah Shaqo joojinta ku jiray.



Biyooleyaasha ku shaqaysta Booyadaha oo Magaalada Hargeysa 70% ka mid ah Waraabiya , ayaa ka cabanaya cashuur  dheeraad ah oo lagu soo rogay, waxaana muddo saddex maalmood ah gaadiidka dhigeen labada dacal ee Magaalada.




Kulan saaka ku dhex maray Xafiiska Wasiirka arrimaha Gudaha Guddi ka socda Gaadiidleyda iyo xubno ka mid ah Dawladda oo uu hogaaminayo Wasiir Waran-cadde ayaa laysku afgartay in Gaadiidka Booyaduhu shaqada dib u bilaabaan ilaa inta laga xalinayo cabashadooda.




“Dawlad baanu nahay ma diidaninin Cabashadiina, waanan dhegeysanaynaa, waxaan idinka dalbanynaa inaad shaqadii dib u bilowdaan ilaa inta cabashadiina xal laga gaadhayo dadka u shaqaysaan”sidaasi waxa Boqolaal Biyooleyaal ah ugu khudbadeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha  Cali Maxamed Waran-cadde.




Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay inuu Damaanad qaadayo in cabashada Gaadiidleyda jawaab dawladdu ka bixiso , iyaguna ay shaqadooda wataan “waxaan idiin sheegayaa inaan cabashadiinii u saarnay Guddi ka kooban wasaaradda arrimaha gudaha, Wasaaradda maaliyadda iyo xubno Guddidina ka mida, anigaana idiin balan qaadaya oo ka damiin ah inay dawladdu arintiina hoos u eegayso, hadaydaan qaadi karin cashuurtaa laydin saaray inaan dib u eegayno”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Dhinaca kale, Axmed oo ah Afhayeenka, ayaa sheegay inay shaqada dib u bilaabayaan laga bilaabo maanta, ka dib markii uu heshiis dhex maray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Guddidooda “saacadaa laga bilaabo waynu dhaqaaqaynaa shaqadiina dibaynu u bilaabaynaa, Wasiirka arrimaha gudaha ayaana inoo damaanad qaaday in cabashadeena wax laga qabanayo”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Dhinacyada ayaa sidoo kale sheegay in Qoraal la dhigayo labada Kaantarool ee Magaalada hargeysa ,laga soo galo, kaasoo lagu amrayo Bilayska iyo Hay’addaha Cashuur qaadista inaanay Booyadaha Cashuur ka qaadi Karin ilaa laga xalinayo cabashada taagan “Wasiirku wuxuu noo qoray Warqad labada kaantarool ee Magaalada laga soo galo la dhigayo taasoo lagu amrayo inaan mudada arrinteena la eegayo wax cashuur ah layna waydiin Karin”ayuu hadalkiisa raaciyay Afhayeenka Gaadiidleydu.




Booyadaha u dhaamiya Caasimadda hargeysa ayaa laga bilaabo xiligaaso oo duhurnimadii ku dhadhoweyd shaqadooda dib u bilaabay, waxaana gelinkii dambe ee Maanta lagu arkayay iyagoo kolanyooyin iyo midh midh Magaalada u soo gelaya iyagoo biyo sida.




Laakiinse dib u hawl-galkooda shaqo ayaa yimi xili afarta dacal ee Magaalada lagu haraadanaa labadii saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay, isla markaana gadood shacbi oo haraadkaasi ka dhashay uu sababay Khasaare nololeed iyo rabshado ilaa gelinkii dambe ka socday Magaalada.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com