Saturday, December 28, 2013

Somaliland: Badhasaabadda Gobollada oo looga yeedhay Madaxtooyadda iyo Dareenada ka dhashay


Madaxweyne Siilaanyo oo la filayo inuu Xafiiskiisa ku qaabillo Guddoomiyeyaasha goboladd dalka oo qaarkood bulshadu saluugsantahay




Hargeysa(GNA)-Madaxweyneha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa la sheegay inuu u yeedhay Badhasaabadda Gobollada dalka oo dhan.




Ma cadda ilaa hada sababta uu ugu yeedhay Madaxweynuhu Guddoomiyeyaasha Goboladda, sida ay Gobanimonews wararka ku heshay Caasimadda soo gaadhay labadii maalmood ee ugu dambeeyay.




Sida ay ilo-wareedyo ku dhadhow Madaxtooyadu Gobanimonews u sheegeen waxa la filayaa inuu maalmaha soo socda ku qaabillo xafiiskiisa, kulankaasoo noqonaya kii ugu horeeyay ee uu sanadkan sii dhamaanaya la yeesho.




Wararka ayaa intaasi ku daraya in ujeedada loogu yeedhay ay tahay sidii uu uga xog waraysan lahaa xalaadaha kala duwan Goboladda ay madaxda ka yihiin, si uu u daraaseeyo arrimaha aasaasiga ah eek a jira, sida heerka adeegyada Bulshada, maamulka , shaqada, tabashada shacbiga iyo wixii kale ee la xidhiidha.




Madaxweyne Siilaanyo ayaa sanadkan horaantiisii isku shaandheyn ku sameeyay Badhasaabada Gobolada, isla markaana nidaam ka duwan sidii hore ama haanankii hore loogu magacaabi jiray ku sameeyay, taasoo uu gobolo badan badhasaabadoodii kuwo kale u bedelay.




Guddoomiyihii hore ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa loo magacaabay Togdheer, halka Guddoomiyihii Gobolkaasi loo bedelay Awdal.




Isku bedelka noocan ee Madaxweynuhu sameeyay, waxa ka dhashay tabashooyin badan iyo buuq siyaasaddeed oo Goboladda qaarkood ilaa hada ka taagan, kaasoo ay bulshooyinka Goboladdaasi qaarkood saluugeen Maamulka loo magacaabay.




Guux siyaasaddeed oo ka dhan ah Guddoomiyaha Gobolka Awdal ayaa Bilihii ugu dambeeyay ka taagnaa Gobolkaasi, kaasoo ah arrin waji laga galo iyo meel laga abaaro toona lahayn, laakiinse ku salaysan arrimo tabasho siyaasaddeed.




Sidoo kale Gobolka Gabiley, ayaa dhawr jeer khilaaf ka dhex qarxay Saraakiisha Dawlada iyo Guddoomiyaha gobolkaasi oo laga soo bedelay Gobolka Oodweyne, waxaana taasi ku lamaanaa dareen bulsho oo ka dhan ah Guddoomiyaha, kaasoo si weyn loo dareemayay.




Dhinaca kale, Mushkilado ka soo noqnoqday Gobolka Togdheer ayaa loo sibir saarayaa inay dabada ku hayaan habacsanaan Maamul oo Gobolka ka jirta, taasoo haatan ku sii siqaysa iska horimaad Bulsho oo ka dhacda magaalada Burco ee xarunta gobolka.




Si kastaba ha ahaatee kulanka la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo isugu yeedhay Guddoomiyeyaasha gobollada ayaa ku soo beegmaya xili arrimahan oo qaarkood wali huursanyihiin ka jiraan Goboladda dalka, taasoo ay dheertahay saluug Siyaasadeed Xukuumadda dhexe laga tirsanayo, dib u dhacyo  deegaamada qaarkood  ka muuqda adeegyada Bulshada iyo arrimo kale.




Madaxweyne Siilaanyo ayaa horaantii bishii 6-aad ee sanadkii 2013-ka kulan ku qaabiley Madaxda Gobolada dalka, kaasoo uu uga soo jeediyay dar daaran iyo inay la yimaadaan hufnaan maamul.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com