Saturday, December 28, 2013

Nabadu Waa Hoyga Nolosho..”Cumar Maxamuud


Nabadi   Waa Hoyga Nolosho Dugsi Lagu Hirtaayo Waa Hadhac Qabowoo Wana Lama Huraan .




 Umadda waliba waxay ku horu- martaa marka ay Nabad heysato ,nabadu waa tiirka nolosha Aadamaha iyo horu-marka umaddeed.




Haddaba in dhawaydba waxaa soo noqonayaya in shacabkii Reer Somaliland inay mudahaardo aan muhiin ahayn ay ka dhaceen gobolada qaar ka mid ah ,mudharadada waxaa ka faaiidaysanaya oo ina soo dhax raacaya cadawga Somaliland oo geed dheer iyo mid gaaba  u ku koray sidii uu amaanka wadanka u khalkhlin lahaayeen .




Awalba hadaa  tihiin shacabka Reer somaliland idinkaa ayaa ilaalshan jiray nabad gelyada wadankeena hooyo ee Somalilanda,maantan halkaa wadanku uu marayo waxaa soo gaadhsiyay dhamaan shacabkasomaliland oo wada jira iyo isku duuban gudo iyo debedba waana caado lagu yaqaan shacabka Reer Somaliland inay ilaaliyan nabad gelyada guud ahaan gaarahaan nabd gelyada  Somaliland .




Taas oo ay ugu wacan tahay inay sifiican u fahmeen muhiimada ay leedayahay nabad  gelyadu ,tahaynay mida lagu gaadhayo midnimo  ,wada jir , horu-mar dhaqaale iyo mid siyaasadeedba.




Sidaas daraadeed waxaan xukumada ku waajiba ah  inay ilaaliso mid nimada Umada Reer Somalailand  meel kasta oo ay joogaan ,kana ilaaliso wuxii kala ka xaynaya Umada midnimadeed iyo is jecalyka shacabka,kana dheereeto wixii wax u dhimaya bulshada Reer Somliland inay iyagu isku dhacaan.




Shacabkana waxaan u soo jeedinayaa in ay kafogaadaan wax u dhimaya nabad gelyada wadanka  .




Hadaynu nabdaaynu ku caano maalnay ilaashan wayno  waxay waa mid inagu ceeba ah cadwgena gudo iyo debedba joogaana ku farxayo




Maahmaah Soomaliyeeda Ayaa Tidhaada Saw Nabadi Sahaydaadi Oo Sidato Saw Maaha,Saw Godobi  Surinkaad Istaagtaba Sabab Qaroon Maaha




 




Qore: Cumar Maxamuud Aadan