Thursday, December 26, 2013

Qarax Shan Qof Ku Dhaawacantay oo Ka Dhacay Magaalada Qaahira (Video)


Qaahira (GNA) Ilaa shan qof ayaa ku dhaawacantay qarax bam oo lala eegtay gaadhi bas ah oo marayay magaalada Qaahira ee dalka Masar, sida ay xaqiijisay Wasaarada Caafimaadka dalkaas.




Qaraxan ayaa ka dhacay magaalada Nasr City, iyadoo qaraxa uu ahaa mid gaadhiga lagu xidhay.




Qaraxan ayaa imanaya xili dowladda ku-meel-gaadhka ah ee dalka Masar u sheegtay in ay u aqoonsatay ururka Ikhawaanul Musliimkii dalkaas in uu yahay urur argagixiso.




Ururkan ayaa madaxdoodii xabsiga la dhigay tan iyo markii ay rabshadaha ka bilowdeen dalkaas, kadib markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii sida dimoqraadiyada loo soo doortay Maxamed Mursi.




Dowladda KMG ah ee Masar ayaa waxaa xaga danbe ka riixaya Ciidamada Milateriga dalkaas oo aad u awood, iyadoo wali dalkaas ka jiro qalalaaso siyaasadeed iyo jahwareer.








Gobanimonews.com