Saturday, December 28, 2013

UCID: Madaxweyne Shacabku waa sida Haanta oo kale”Dhaliilo


Hargeysa(GNA)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga UCID ayaa xukuumadda ku eeddeeyay inay shacbiga ku khasabtay inay haraad la mudaharaadaan.




Xuseen Xasan Badmaax oo soo saaray Qoraal uu kaga hadlayo rabshadihii Maanta ka dhacay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay xukuumaddu Ilihii dhaqaalaha ee dalka markay dhamaysay ay cashuur dheeraad ah ku soo rogtay gaadiidkii u dhaaminayay dadka danyarta ah.




Waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:




“ Dawladan murdiso ee uu hogaanka u yahay Madaxweyne Axmed-Siiraanyo markay ilahii dhaqaalaha ee dalka afka u wada dhigatay ayay u soo dhigatay booyadahii danyarta u dhaaminaayay.




 Biyo la’aanta danyarta ku habsatay 22ka sanno ee marba marka danbaysa cashuur aanay qaadi Karin dawladu dusha ka saarayssay waataa abuurtay banaan-baxyo aanay dawlada Axmed-siiraanyo u lahay awood ay ku xakamayso.Shacab kacay yaa u taag hela.Ma dhawrkan boqol ee RUU-da ayaa joojin kara shacab harraadan,arday loo waayay biyo wax loogu kariyo oo aan quraacan ma ciidan aan laba barin ayaa joojin kara madaxweyne Axmedow.




Bal aan ku hakano talaabooyinka taban ee ay dawladu ku mamtay:




1.Cashuurta




Waxa aynu ognahay dal marka uu cashuur soo rogaayo waxa uu ka duulaa qorshe ku salaysan dhaqaalaha dalka iyo heerka dakhliga qofka soo gala iyo kharashaadka ku baxaya noloshiisa ama qoyska.Hadii se laga duulo dakhli maleawaal ah oo xaqiiqada ka fog waxay abuurta shacabka oo ka biyo diida.Dalkeena ugu horayntii cashuuraha ayay dawladan Axmed-Siiraanyo qorshaha cashuuraha ku salaysay dakhli maleawaal oo ay qaadatay qiyaas ah qoyskiiba bishii inay soo gasho $200-$250 isku celin tirada shacabka.Markaasay cashuurtii ka bilawday meel sare.Hadana muddadii ay haysay dhawr jeer kor u qaaday ayadoon danyartu qaadi Karin oo nolol maalmeedkii la daala dhacaya.




Runtii marka laysku celceliyo tirada shacabku u badanyahay ee danyarta waxa soo gala bishii $50-$70,qoysaskana marka laysku celceliyo waxa uu ka koobanyahay 7qof.Weliba 4caruur ah ayaa malcaamadaha,dugsiyada iyo jaamacadaha qoysku lacag ka bixiyaa.Waxa u dheer gaadiidka caruurtu raacdo,buugaagta,nalka iyo biyaha.Markay kharashaadka qoysku sidaa yahay cashuur intee leeg ayuu ninka booyadu bixin karaa ama tukaanka haystaa ama makhaayada haystaa ama ka bacadlaha ah ama ganacsatada yaryar.Waxa halkaa ku cad inaanu shacabkan u badan danyarta aanay qaadi Karin cashuuraha kala duwan ee dawladan murdiso dhabarka kaga jebisay.




Sicir Bararka:




Markaynu soo qaadano waxyaabaha nolosha aasaaska u ah bal hada ila eega:




a)Dhuxushu waxay ahayd Sl.sh30,000 maantana 120,000.




B)Foostada biyaha ah: hore Sl.sh.5000 maantana 12000




c)Gadbada bariiska ah:hore $18 maanta $50




Inahaa ayaa inagaga filan sicir bararka dalka ka jira ee dhibta u keenay nolosha danyarta.Waxaana ka masuul ah dawladan dalka ka talisa oo aad moodo inaanay ogayn-ba nolosha shacabka ee sii adkaanaysa.




Talaabooyinkaa taban ee dawladu sida indho la’aanta ah u fulinayso ayaa waxay abuurtay inay shacabku mar qudha sida marka haanta la lulo ee aan laga neefin furka tuurta mudahaaraadyo miciinsadeen.Muwaadiniyiin ku nool caasimada ayaa in badan ka hadlay biyo la’aanta ka jirta laakiin dawlada Axmed-siiraanyo waxaad moodaa inaanay danba ka lahayn danyarta harraadka la liita.




Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa dhawr jeer ka digay biyo la’aanta iyo cashuuraha culus ee nolosha danyarta ku keeni karto kacdoon,kuna baaqay inay dawlada arrimaha wax ka qabato.Balse dawlada dhegaheeda ku dhicin.




Xukuumada maanta dalka hogaamisaa ayadaa ka masuul ah cadhada shacabka ku keliftay madaharaadyo abuuri kara nabadgelyo daro.




Waxa aan dawlada ugu baaqaya inay sida ugu dhakhsaha badan biyaha caasimada wax ka qabato.




Xuseen Xasan Badmaax