Sunday, December 29, 2013

Kulan lagu soo bandhigayay Xeerka Hay’adda Xukuumiga ah ee FCA oo ka dhacay Hargeysa+ Sawirro


 



Hargeysa(GNA)-Kulan lagu soo bandhigayay Xeerka Aasaaska  Hay’adda Xidhiidhka Mucaawimooyinka WFP ee Xukuumadda Somaliland.



Hay’adda Xidhiidhka Mucaawimooyinka WFP ayaa ka mid ah tiro komishano Madax banaan oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sameysay, markii ay talada la wareegtay.




Kulankan ayaa waxa ka soo qayb-galay, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Madaxda Hay’adda FCA, Masuuliyiin ka socday Hay’addaha kale ee Xukuumadda , xubno Ururrada bulshada rayid ee Hay’adan wada shaqaynta la leh ka tirsan.




Maareeyaha Guud ee Hay’adda Xidhiidhka Mucaawimooyinka WFP, Prof, Yuusuf Cismaan Garas oo ugu horayn kulan hawleedkaasi ka hadlay, ayaa ka waramay ujeedada Hay’addan loo aasaaay iyo muhiimadda uu leeyahay Xeerka loo sameynayaa.




Mr, Garas ayaa sheegay in xeerkan looga danleeyahay si loo heli nidaam iyo shuruuc ay Ha’addani kula shaqayso Hay’adda kale ee ay wada shaqayntu ka dhaxayso iyo in loo dejiyo nidaam maamul oo qiixaya shaqada ay qabatay.




 







“Xeerkan waxaan uga dan leenahay oo aanu u samaynay laba arrimood inaanu Hay’adan dhismaheeda dhamaystiro hab sharci iyo mid siyaasadeedba iyo inaanu yeelano sharci iyo nidaam aanu ka wada shaqayno Hay’addaha Dawladda iyo kuwa kale ee aanu xidhiidhkooda iyo isku duba ridka mashaariicdooda qaranka u qaabilsanahay siiba WFP”ayuu yidhi Prof Garas.




Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta Qaranka Xasan Daahir Dhinbiil, oo isaguna munaasibada furitaanka shir hawleedkaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay sharciga cusub ee loo samaynayo Hay’adda FCA, kaasoo uu tilmaamay inuu wax badan ka tarayo wada shaqaynta xukuumadda iyo Hay’adda WFP oo madmadow badani ku jiro Xafiiskooda somaliland.




Wasiir ku-xigeen Xasan Daahir Dhinbiil, ayaa sheegay in sharcigu yahay waxa kala dambeynta iyo wada shaqaynta Gundhiga u ah, waxaanu ku amaanay Madaxda Hay’adda FCA iyo khubarada kala qayb qaadayay sameynta xeerkan.




Sidoo kale waxa Munaasibaasi ka hadlay Maareeyaha Xafiiska Samo-falka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye, taasoo amaan iyo bogaadin u soo jeedisay maamulka Hay’adda Xidhiidhka Mucaawimooyinka  WFP iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta xeerka Hay’ada.




Aamina Maxamuud Diiriye ayaa sheegtay in dhismaha Hay’addaha Madaxbanaan ee Adeegyada dawliga ah bixiyaa muhiimad weyn qaranka ugu fadhiyo, iyadoo si gaara u tilmaantay in Xafiiska FCA, Samo-falka Madaxtooyada iyo Nerad-ba xidhiidh wada shaqayneed oo fiicani ka dhexeeyo.




Dr. Cabdirisaaq Jaamac Nuur Agaasimeha guud ee Wasaaradda Biyaha oo isuguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay hir-gelinta xeerkan si loo helo sharci iyo kala dambeyn wada shaqayneed oo ka dhexaysa hay’addan dawliga ah iyo WFP.




Waxa uu sheegay inuu arrinkani si gaar ah isaga u taabanayo sababtuna ay tahay mugdi badan oo ay ku soo arkeen mashaariic  kala duwan oo ay Hay’adda WFP ka waday Gobollada bariga, kaasoo aanay wax dabo gala iyo saameyna ku lahayn Xafiiska loo xilsaaray hawshani, isla markaana dayac badani ka muuqdo habka loo waddo.




Agaasime Nuur, ayaa sheegay in  wada shaqayn weyni ka dhexayso Hay’adda FCA ee dawliga ah iyo Wasaaradda biyaha, taasoo inta badan ku taxaluqda  mashaariicda Qodista Baliyadda biyaha ee WFP ku bixiso Mashaariicda Raashinka ah, taasoo buu yidhi ay ka wasaarad ahaan danaynayaa  inay kala shaqeeyaan.




Geesta kale Maareeyaha Xafiiska ICT-ga Qaranka Cali Cabdilaahi Cali iyo xubno ka mid aka soo qayb-galeyaasha oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Hindisaha xeerka Hay’addaha xidhiidhka Mucaawimooyinka WFP, waxaanay xusseen in sharcigani kala xadaneynayo, dariiq wada shaqayneedna u jeexayo Xukuumadda iyo WFP.




“Saddex sanadood ayaanu taagnayn Hargeysa oo aanu WFP Mashaariic ka sugaynay, saddexdaa sanadood wax alaale waxaanu ka haynaa ma jirto, iminkaaba markii Maareeye Yuusuf yimi wax kala socdeene, intii hore oo dhan waanu iska joognay, markaa waxaan xukuumadda ka codsanaynaa hadii aanu nahay NGO-da in arrintaa  wax laga qabto ,xeerkanina noqdo mid arrimahaa wax ka qabanayo”sidaasi waxa yidhi Cali Xasan oo ku hadlayay afka Masuuliyiinta Ururadda Bulshada ee shirk aka soo qayb-galay. 




Hay’adda FCA, ayaa ka mid ahayd Hay’addo  Golaha wakiilladu xukuumadda ka dalbadeen in la soo dhamaystiro dhismahooda sharci, waana hay’adihii ugu horaysay ee dalabka Wakiillada ka yimi fulisa.




Gobanimonews




Hargeysa Office