Thursday, December 26, 2013

Afrika: Madaweyneyaasha IGAD oo Jimcaha ka shiraya Qul-qulatooyinka Koonfurta Sudan


Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalaya Shirka IGAD  oo ka dhacaya berri




Muqdisho, 26 December 2013 –(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa galabta u ambabaxay Nairobi si uu uga qeybgalo Shir aan caadiga aheyn oo Madaxweynayaasha dalalka IGAD kaga wada hadlayaan Xaaladda koonfurta Suudaan.




Dagaalo qadhaadh ayaa ka socda Dalka koonfurta Sudan, kaasoo u dhexeeya Ciidamo dawladda iyo maleeshiiyad mucaarid ah oo isku dayay inay afgami ku sameeyaan dawladda dalkaasi.




Madaxweyneyaasha  Urur Goboleedka IGAD ayaa xaaladan kaga shiray  Maalinta Jimcaha 27-ka December 2013 Magaalada Nairobi  ee Caasimadda Kenya.




Kulan madaxeedka IGAD ayaa ka dambeeyay  Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dowladaha IGAD oo dhowaan gaaray magaalada Jubba ee caasimada South Sudan, kuwaasoo u kuur galay xaalada dalka isla markaana soo dhex dhigay heshiis iyo xabad joojin kooxaha isku heysta siyaasadda dalka.




Wasiiradda Arrimaha Dibedda ayaa kulan ay la qaateen Madaxweynaha South Afrika Silva Kiir wuxuu ugu caddeeyey inuu diyaar u yahay inay heshiis aan shuruud laheyn la galo kooxaha ka soo horjeeda isla markaana dib u heshiisiin ay ka dhacda dalkiisa.




War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xasan Sheikh Maxamuud kulamo gaar gaar ah la yeelan doono madaxweynayaasha dalalka IGAD isla markaana khudbad ka jeedin doono shirka.




Shirka Igad ayaa diirada saari doona sida ay lagama maarmaanka u tahay in IGAD ay door hoggaamineed ka qaadato xaaladda koonfurta  Sudan oo laga hortago inay collaadaha sii socdaan oo ay dalka South Sudan geliyaan dagaallo sokeeyo.




Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu ugu baaqo madaxda IGAD in dowladda South Sudan lagala shaqeeyo sidii ay dib u heshiisiin ugu xallin laheyd arrimaha ka jira dalkaasi.




Dawladda Somaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasab madaxda Ururka Igad sidoo kale kala hadli doono xidhiidhka Dalkiisa iyo wadamada kale ee IGAD.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com