Monday, December 30, 2013

Waxgarad reer Burco ah oo Bayaan soo saaray


Qaar kamida odayaasha beesha bariga burco oo warbaahinta somaliland u qeybiyey qoraal kooban  oo ay  kaga waramayaan dhacdooyinkii kala danbeeyey ee sanadkan gudihiisa ka dhacay  magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer  ayey  kusoo saareen bayaan cad oo  ka dhan ah dhacdooyinkii ugubka ku ahaa gobolka iyo guud ahaanba Qaranka kuwaas oo mudo wax yari u dhaxaysay  ka dhacay burco,  odayaashan qoraalkan kooban ee ay soo saareen ayaa ay ku sheegen  in dhacdooyinkaas iyo weeradaasiba ay  sanadkan gudihiisa tiraba  soo noqdeen laba jeer, waxaana ay ku tilmaameen inaanay ahayn wax loo dul qaadan karo, Waxaana uu u dhignaa qoraaalkan kooban ee nuxurka xanbaarsan sidan:




Bayaan Ka Dhan Ah Dhacdooyinka Isdaba joogaa ee Ka Dhacay Burco




Markay  Taariikhdu ahayd 13/03/2013 waxaa Magaalada Burco ka dhacay Dagaal ay  Beesha Galbeedku  kusoo qaaday Beesha Bariga Buco  ayadoo uu joogo Wasiirkii  Amniga  JSL  Maxamed Nuur Caraale Duur, Weerarkaas  Waxaa ku burburay Hanti farabadan, Dadweyne Mawaadiniin ah oo aan waxba geysan  waa lagu laayey, waxaa la boobay Hanti dadweyne waxaana la burburiyey Gaadiid, Hudheelo Goobo Ganacsi IWM.




Dhacdii labaad waxaa ay dhacday 22/12/2013  waxaana  markaas uu joogay Magaalada Burco  Wasiirka Xanaanada Xoolaha JSL Cabdi Aw Daahir markaas waxaa dhacday khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh waxaana la Burburiyey  hanti farabadan  oo ay  ku jiraan  hantiyo ay leeyihiin Ganacsato waa weyn oo somaliland ah,  wixii ka dhacay burco muu ahayn mudaharaad  ee waxaa uu ahaa fawdo iyo fidmo ay soo maleegeen  beesha galbeedka burco , waayo Xafiisyada Dawlada cidi uma tegin  wuxuu ahaa weerar  beesha bariga burco lagu soo qaaday oo badheedh ah.




 




Waxana cad in Rabshadahaasi iyo weeraradaasi lagu beego marka ay joogaan  Wasiirada beesha  Galbeebka  burco joogaan burco, waxaana la arkayaa oo la ogyahay in weeraradaasi  gardadara ah  ay ka midaysan yihiin dhamaan madax iyo minjaba  oo kuwada socdaan, waxaana taasi cadaynaaya oo marag  u ah in maalin walba lagu  soo duulaayo hantida beesha bariga burco  hadii ay dawlad ku mudaharaadayaan maxay Xafiisyada Dawlada iyo Maamulka Gobolka u tagi  waayeen ??




Waxaanu ognahay inay Rabshadaasi  ku wada socdaan beesha galbeedka burco  se ay tahay cida keliya ee loo xilk saaraa  ninka la yidhaahdo guuleed  iyo dayr xiniinyo dheere oo labaduba ay  yihiin kuwa ugu faca weyn abaabulka rabshadahaasi waana arin talo ah oo lawada go,aamiyey Waxaanu leenahay  anagoo kamida Odayaasha Beesah Bariga Burco  oo faraynaa  dhigayaga maanta wixii ka danbeeya waa Colaad ama waa nabad waarta  wax ka dhaxeeyaa ma jiro, Dil iyo dhac maalinkasta jooga  wax sidaa ahaan karaa ma jiraan waa in labadaa miduun looga gudbaa.




Wa bilaahi Tawfiiq.




Qoraalkan waxaa Warbaahinta u Gudbiyey




1. Oday Ibraahim Faarax Cawed (Feedhayare)




2. ODay Maxamed Faarax Cadi  (Waraabe)