Tuesday, December 31, 2013

Philippe Lazzarini oo Xil cusub looga Magacaabay Xafiiska Q.M ee Somaliland iyo Somalia


Muqdisho(GNA)-Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon ayaa u magacaabay Philippe Lazzarini ku xigeenka ergayga gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo isku duwaha arimaha bini’aadanimada Soomaaliya.




Mr Lazzarini oo ah Nin  u dhashay dalka Switzerland ayaa qaban doono ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Somalia,waxaanu ku xigi doonaan madaxa xafiiska gargaarka Soomaaliya ee UNSOM.




War qoraala oo kasoo baxay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in madaxa arimaha aadanimada QM ee Soomaaliya Mr Lazzarini uu Nicholas Kay ku xigeen u ahaan doono. 




Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa la hergeliyay bishii May, kaasi oo la sheegay in loogu talo galay in lagu caawiyo dowlada Federaalka Soomaaliya.




Mr. Lazzarini, ayaa ahaa isku duwaha arimaha aadanimada iyo wakiilka UNDP ee Soomaaliya tan iyo bishii  March ee sanadkaan maanta dhamaanaya ee 2013, waxaana uu sii heyn doonaa shaqooyinka uu hayo.




Mr. Lazzarini, ayaa soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin hay’ada ICRC ee koofurta Sudan, Beirut, Amman Gaza Bosnia, Angola iyo Rwanda.




Xafiiska uu Madaxda ka yahay ayaa xafiisyo ku leh Koonfurta Somalia iyo Somaliland oo siyaasad ahaan kala madaxbanaan.




Xafiiska Xilka cusub looga magacaabay iyo Somaliland ayaa isku khilaafsan qaabka ay u wada shaqaynaayan, ka dib markii la bedelay magaca iyo hawl-galka xafiiskaasi.




UNPOS, ayaa loo bedelay UNSOM, taasoo ay isku diideen labada dhinac ee somaliland iyo Q.M.




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: editor@gobanimonews.com