Sunday, December 29, 2013

Maxaad ka Taqaan lacagta Iyo Qiimaheeda”by: Axmed Cali ..


Taariikhdu lacagtu waxay la xidhiidh leedahay horumarka laga sameeyay wax kala bedelkii nidaamkii dhibta badnaa ee gaboobay ee loo yaqaanay barter. Waxayna noqotay shay u dhexeeya kan iibsadaha ah iyo kan iibinaya , oo mid kastaana uu baahi u qabo qaadashadeed madaama suuq aqbalaya jiro, isla markaana uu si dhib yar u kaysdsan karo.




Lacagtu ahmiyadda ay u leedahay nolosha iyo dhaqaalaha waa mid weyn, waana ta keliya ee midaysa ujeedooyinka dhaqaale ee kala duwan. Wax soo saar kasta waxa lagu qiimeeyaa lacag, dakhli kastana waxa lagu qiyaasaa Noodh. Taasi ayaa ka dhigaysa mid lagama maarmaan u ah bulsho kasta isticmaalkeeda.




Ka hor intii aanay soo bixin lacagtu, waxay bulshooyinku wax ku kala bedelen jireen badeecado ay isla ogolaadeen oo qiyaas u ahaa wixii la is dhaafsanayo.  Tusaale ahaan qabiilooyin African ah waxay ku kala bedelen jireen lo’da , Latin Ameerika qabiilyoon degana waxay isticmali jireen geedka Qumbaha. waxaa u badnaa waxyaalihii wakhtigaasi wax lagu salayn jiray, Xoolaha iyo haragooda, biraha qaaliga oo markii danbe qadaadiicda laga sameeyay, faashashka iyo midiyaha, Dheryaha dhoobada, dadka la adoonsado, iyo caleemaha tubaakada iwm, waxaana habkani ahaa badeecad mid kale lagu bedelayo(barter).




Nidamka barter  wuxu ahaa mid iska xadidan oo ku xidhan baahida uu qofku u qabo shayga lagu bedelaayo badeecadiisa. Waxayna ahayd kan iibinaya hadhuudhka inuu helo mid u baahan oo isna haya saliid ama badeeco kale oo uu u  baahan yahay iibiyuhu. Marar badan may jirin qiyaas heshiis lagu yahay oo labada ka dhaxaysa waxyna ku xidhnayd siday u heshiiyan.




Buugga Politics Book 1:9 ( c.350 BC ) Faylasuuf Giriigga Aristotle wuxu tixgeliyaya nooca lacagta isagoo sheegay in shay kastaa leeyahay laba isticmaal, midna uu yahay shayga asalkiis iyo waxa uu ka samaysan yahay kan kale uu yahay waxa loo qorsheeyay. Tani waxay ahayd in aanay dhicin waxaan qiimo lahayn in laga dhigato lacag taasina ay sababto in dad si dhib ugu xuub siibtaan ganacsato iyo malqabeeno aan la loodin Karin.




Dhibaatadii basharka ka haysatay kala bedelashada badeecadaha ama adeega  ayaana sababtay curinta wax dhex u ah oo cid waliba qaadan karto, isla markaana kaydsan karto ayaa dooda lagu saleeyay..




Laakiin Boogga uu qoray David Graeber ee Debt:The Fisrt 5000 Year    oo  ahaa mid aqoon u leh  cilmiga barashada dadka iyo dhaqanadooda (Anthropologist) ayaa diiday fikiradda ah in lacagtu ay ka curtay habkii barterka, wuxuuna sheegay in aan loo hayn cadayn tageeraysa arinkaasi.




Lacagta taarikhdeedu waa mid fa weyn , isticmaalkeeduna wuxu soo jiray muddooyin fog, Inkastoo ay soo martay habab kala duwan. Waxayna maanta leedahay Lacagtu qiima cad oo la isla garanayo, oo uu aqbalaayo kan wax iibinayaa inuu ku bedesho badeecadiisa ama adeegiisa.




Faraciintii hore ee Masarana waxay lacag ka dhigi jireen biraha qaaliga ah kuwaasi oo ay adag tahy in la helo ama si dhib yar loo soo qaato, sida dahabka iwm. Iyagoo qiyaas ahaan u isticmali jiray qiimhaha birtu ay leedahay oo cabir la isla yaqaan lagu miisaami jiray.




Maanta qofka Awr suuqa keena si dhib yar ayuu lacag ugu bedelanayaa , kuna iibsanyaa wixii kale ee uu rabay. Markaasi lacagtu waxay fudaydisay hawshaasi adage ee kala bedelashada ku salaysan iibiye iyo iibsade (Seller and buyer).  Buugaagta laga qoray taariikhda lacagta waxay cadeeyeen in waayada qaar ay lacagtu ahayd dhagax  waxana la sheega in la arakay mid dhoobo ah sida ku qoran ( Buuga Khudud Ara’isiya Al-iqtisad). Waxa kale oo ay qoreen in Bulshooyinka qaarkood lacagta ka dhigteen lo’ada oo waa lagu kala bedelan jiray wixii la rabay.




Samaynteeda , Qiimaha kala bedelkeeda iyo ictiraafkeedba waxa shaqadiisu tahay oo ogolaanaya Xaakinka , inkasta oo qiimaha kala bedelshada uu inta badan gooyo suuqa ganacsi ee jiraa. Sidaa awgeed lacagtu waxay noqonaysaa badeecad awood badan oo ah tan kala bedelshada. Qofka kastaana uu baahi u qabo helideeda… Waana taasi tan Quraanku cadeeyay in dadka loo qurxiyay lacagta, ayna ka mid tahay raaxada aduunyada.




Qarnigii 13aad Boqor  Khan ee Shiinaha xukumi jiray ayaa sameeyay lacagtii u horysay ee xaashid ah, wuxuu sameeyay boqorku nidaam ah in qofku kiniisadda keensado dahab ama silver oo inta loo miisaamo uu ugu bedeli jiray hadba lacag inta ay uga dhiganto ee uu jaangooyay oo ay ka muuqato tirooyin xaashidda ku qoran. Wxa kale oo boqorku sameeya in qofkii doona isagoo lacag sita in dahab ama silver la siiyo uu ugu bedeli jiray hadba inat ay uga dhiganto. Waaxana ay taaikhdu sheegaty in bqorakaasi ah maskaxad ka danbaysay lacagat xaashida ee numbarad leh ee maanta dunida taalla.




1661 Ayaa Bankii ugu horeeyay laga furay Sweden , wuxuuna sameeyay lacag caalami ah oo sharciyadeeduna u dhan tahay, taasi oo lagu qiyaasay qiimaheed dahabka uu qofku baanka dhigto. Boqortooyadii Ingiriiskuna waxay samatay shilimaan lagu joongeeyay dahab…




1867 ilaa la soo gaadhsyay 1933 lacaga aduunku waxa lagu jaangooyay dahab oo oo dalku hadba inta uu dahab haysto uu daabacn karo lacag. Sidaas awgeed qiyaasta dahab baanka taalal waxay ahayd qiyaasta lacag la sameeyay ee suuqa ku jirta… taasi oo keenaysay dheelitiran dhaqaale oo aan bulshad dhib ku hayn.




Haddii koox bulshada ka mid ahi iska samaysto lacag noodh, qadaadic iwm iyadoon Xaakinku awoodda siin , maamulkeedna aanu lahayn waxay taasi isu bedelaysaa lacag faalso ah. Waxayna abuurtaa khalkhal dhinaca dhaqaalaha ah , waxayna keenaysaa in koox bulshada ka mid ah si dhib yar uu gacanta ugu galo awood ay bulshadu ku ogayd xaakinka, taasi oo keenaysaa inay u maamulaan suuqyada lacagta iyo ganacsiga sidii ay rabaan iyaguna isu bedelaan maalqabeenu burjuwaasiyiin ah oo arxan daran….




La soco qayabaha : Fawdada lacagta, Lacgtu waa qiyaasta ascaarta, lacagta iyo qiimaheeda ,Doorka ay lacagtu ku leedahay nolosha iyo dhaqalaha, saamaynta suuqa iyo lacaga falsada ah, Yaa awooda samaynta lacagta leh, Baanka iyo lacagta, kalsoonida lacagta….




Ahmed Adan Cali (Haybe) Post Graduate In Business And Finance