Monday, December 30, 2013

~~Suldaan Maxamed: waxaan dirayaa Baaq ku wajahan reer Togdheer‏


Marka hore waxaan salaamayaa shacbiga somaliland gudo iyo debedba,waxaan ilaahay ka baryayay in ilaahay ina garansiiyo wanaaga midnimada iyo wada jirka.intaas kadib waxaan halkan baaq uga dirayaa reer togdheer iyo dawlada oo aan jeclaystay inaan talo iyo tusaale wixii igaga aadanaa aan hawada u mariyo. sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa dadkii ku dhintay ama ku waxyeeloobay mudaharaadkaas rabshdaha watay ee kadhacay burco oo runtii ka dhashay badalkii taliyaha qaybta bilayska ee gobalka isla markaana meel kaga dhacay qayb wadaagtii beelaha walaalaha ahi ay ku heshiiyee ama saami qaybsigii ay markii hore ba ugu talo galeen isu dheeli tirka hanaanka maamul ee gobalka si aan qolona qolo u jaleecin, mudaharaadkaasi muu ahayn mid ay soo qorsheeyeen waayeelka iyo wax garadka galbeedka burco balse wuxuu ahaa mid ku kaliyoobay dhalinyaradaas. ayadoo xaqiiq ay tahay in beeshu ay ka tabanayso xukuumada madaxweyne siilaanyo cadaalad darro baahsan maadaama dhamaan xilalkii gobalku uu gacanta u galiyay ama usoo magacaabay xubno dhalasho ahaan ay ka soo wada jeedaan bariga qaarna gobolo kale ka keenay.hadaba iyadoo mudahaardku yahay hab lagu muujin karo ama lagu soo bandhigi karo aragtida fikirka qof ahaan iyo wadar ahaanba dastuurkuna uu banaynayo,ayaanu ka odoyaal iyo waxgarad ahaan u arkaynay in sidaa si kabadalan aanu u gudbino tabashada gobalka kajirta ee beesha, isla markaana looga fadhiyo madaxweynaha inuu wax kasoo badalo arimaha gobalka ka taagan ee soo noqnoqonaya, isagoo ku salaynaya sidii loo kala lahaa kuraasta gobalka. dhawrana heshiiska ay ku heshiiyeen beelaha walaalaha ah wada  dega gobolka soona jiray ilaa 1991 kii. hadii laga wax ka qaban waayana waxaa hubaala in gobalka ay ka bilaabmi colaado iyo wada shaqayn la,aan dawlada ah. waxaan arkayay dad u turjumayay mudaharaadkaa dagaal ama iska hor imaad dhexmarayay labada beelood ee gobalka wada dega balse muu ahayn shaqona kuma lahayn. ugu danbayntii waxaan ugu baaqayaa inuu dhamaan reer togdheer in aynu nabada wada ilaashano, ilaahayna waxaan ka rajaynayaa inuu taas ina garan siiyo.




Suldaan Maxamed Aadan Cabdilaahi (Af-durdur
warsame2006@hotmail.com
Burco,somaliland