Monday, December 30, 2013

Gaadhi Laga Soo Dhacay Wasiirka Duulista Iyo Hawada Ee Puntland Oo Lagu Qabtay Ceerigaabo


Ceerigaabo (GNA) Baabuurkii Wasiirka Duulista iyo Hawada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland Xuseen Cabdi Naxar (Xuseen-jiriid) po noociisu yahay Landcruiser midabkiisu madow yahay Plate Numberkiisuna yahay GD.459 Ayaa goor habeennimo ah caawa wuxu soo gaadhey gudaha magaalada Ceerigaabo. Waxana baabuurkan lasoo goostay dareewalkii wasiirkan u wadey oo magaciisu yahay Xasan Aadan.




Baabuurkan ayaa kaddib rasaas fara badan oo ay la beegsadeen koox katirsan ciidanka qaranka Guutada 45-aad oo fadhigoodu yahay gudaha magaalada Ceerigaabo goor uu kusoo dhowaa Kaantaroolka Ceerigaabo waxay ka haleeshay mid ka mid ah taayirrada danbe haseyeeshee maaddaama ciidankan oo ay isku hayb yihiin wasiirka iyo dareewalka baabuurka lasoo goostya kana cabsi abbey waduhu in baabuurkan ay beel ahaan uga qaadayaan si uu uga soo guda galo magaalada Ceerigaabo wuxu ku guulaystey inuu ka fara baxsado ciidankaas. Lamana garan karo wax dhawwac naftiisa gaadhey wadaha baabuurkan ilaa hadda. Halka warar aan la hubin ay sheegayaan inuu jiro nin dhallinyaro ah oo baabuurkan lalasoo fakaday saarnaa oo isaga dhaawac kazoo gaadhey rasaastii ciidannkan qaranku ku ridayeen.




Sidoo kale ciidanka boliiska oo iyaguna xogta baabuurkan helay kana hortegey iyo baabuurkii oo cararaya iyo ciidankii millateriga ahaa oo baacsanaya ay si kedis ah u kulmeen kaddibna dareewalkii baabuurkan wadey uu ka cararay baabuurkii halkaasoo waqti yar gudihiis labadii ciidan ku kulmeen gaadhigan lala soo goostay waxana baabuurkii u fara horreeyey ciidanka millateriga ah kuwaasoo muran dhex maray iyaga iyo boliiska kaddib u kaxaystay baabuurkaas xeradooda millateriga ee gudaha Ceerigaabo.




Gobanimonews--Disk