Saturday, December 28, 2013

Ugu yaraan 3 Ruux ayaa ku dhaawacmay Mudaharaad ka socda Bariga iyo Koonfurta Hargeysa +Sawiro


Dadka Bilayska iyo dadka oo dhagax iyo Rasaas is-dhaafsanaya iyo Waran cadde iyo Fadal oo Naftooda kala soo cararay








 



Hargeysa(GNA)-Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhaawacmay Mudaharaad balaadhan oo ka socda Xaafadaha Bariga iyo Galbeedka Caasimadda Hargeys.




Ciidanka Bilayska ayaa rasaas u adeegsaday dibaxayaasha oo xidhay Jid isku xidha Madaarka iyo Suuqa weyn ee Magaalada.




Mudaharaadeyaasha ayaa dhagax iyo Taayir ku gubaya  Waddooyinka, waxaanay ku dhawaaqayaan ereyo ka dhan dawladda.




Dadka dhaawacmay ayaa ah dhalinyaro ka mid ah dadka mudahaaradaya iyo kuwo Xabad seeraro ahi meelo fog fog ugu tagtay.




Wasiirka arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran –cadde ayaa isku dayay inuu dejiyo dadkaasi, hase ahaatee ku guul daraystay.




Wasiirka ayaa socod ka soo bilaabay Hudheelka Star ilaa Isgoyska Total oo qiiq iyo Olol cirka isku shareeray ka socdo, isla markaana Bilayska iyo Dadka Xabad iyo dhagax isdhaafsanayaan.




Dibadbaxayada ayaa salka ku haya biyo la’aan labadii maalmood ee ugu dambeeyay Magaalada ku habsatay, ka dib markii ay Booyadaha biyaha dhaamiyaa shaqo joojin sameeyeen.




Booyadaha ayaa ka cabanaya cashuur lagu kordhiyay Gaadiidka,taasoo xukuumaddu maanta xal ku meel gaadh ah ka gaadhay.




Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Guddi ay Booyadleyaashu leeyihiin ayaa isku afgartay in la dhegeysto cabashadooda, isla markaana ilaa inta xal laga gaadhayo ay shaqada sii wadaan.




Is afgaradka dhex maray labada dhinac ayaa sababay in boqolaal Booyadood laga soo dhaqaajiyo barxad ku taala Bariga Caasimadda oo ay dhigteen.




Mudaharaadka ayaa u muuqda mid aan damayn, isla markaana sii xoogaysanaya.




Dadka ayaa u badan dhalin yaro aad u da' yar.













 



Gobanimonews




Hargeysa Office




La soco wixii war ka soo kordha.