Saturday, December 28, 2013

Somaliland: Ayax ku Habsaday Dhul-daaqsimeedka Xeebaha Badda Cas iyo Buuralayda


Hargeysa (GNA) – Ayax ayaa ka dilaacay deegaamo badan oo ku teedsan Xeebaha Galbeedka iyo Bariga Somaliland.




Waa markii labaad ee Ayax lagu arko Dhulka Somaliland afartii sanadood ee ugu dambeeyay, waxaanu sanadkii 2009-kii ka dilaacay Deegaamo badan oo dhaca Dhul-daaqsimeedka Goboladda dalka.




Ayaxan ayaa ka dhashay Roobabkii waaweynaa ee bishii 11 ka da’ay Guud ahaan Gobolka Geeska Afrika, waxaana dadka aqoonta u leh arrimaha Deegaanku ka digayaan inuu ayaxaasi ku  fiddo Gobolka Geeska Afrika iyo Gobolka oo dhan.




Qaylo-dhaan la xidhiidha dhibaatada Ayaxan ayaa ka soo yeedhaysa Dadka ku dhaqan deegaamada uu ka dilaacay oo dhaca Gobolada Salal, Saaxil iyo Togdheer, kuwaasoo aan ilaa hada wax gurmad ah oo lagaga hortegayo inuu sii fido laga samaynin.




Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole ayaa sheegay in deegaamadaasi laga fuliyay hawlo qiimeyn ah oo lagu daraaseynayay baaxadda uu le’eegyahay Ayaxani.




“Markii uu da’ay roobku bishii 11-aad bilawgeedii ee sanadkan, ayuu ka dhashay beedkii uu ku daadiyay xeebaha bada cas, waxaanu ayaxaasi  ka dilaacay meelo badan, marka laga soo bilaabo degmada Xagal oo ku taala Bariga Magaalada Berbera ilaa caasho Cado oo u dhaw Magaalada Saylac”ayuu yidhi Wasiir Geedoole oo u waramay Laanta Afka Somaliga ee Ideecadda BBC-da.




Waxaanu intaasi ku daray “Labadaas melood inta u dhaxaysa oo lagu qiyaaso Masaafo Dhan ilaa 200 Km, ayuu ka dilaacay ayaxu, meelo kale oo ka mid ah Gobolka Togdheer meel la yidhaahdo Kalbare oooo dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Burci, ayuu iyadana ka dilaacay”.




Faarax Cilmi Geedoole, ayaa sheegay in Dulankan ayaxu ku habsaday Dhulka dhul daaqsimeedka ah, waxaanu tilmaamay inaanu saameyn halis ah keeni karo hadaan dhakhso wax looga qaban “Runtii Khasaaraha ka dhashay wuu balaadhan yahay,  waana arrin sida runta ah u baahan in degdeg wax looga qabto, waayo ayaxaasi wuu guurguurayaa oo kolba meel ayuu u guurayaa.




Dhulkan uu hadda Ayaxaasi ka dhashayna maaha Dhul Beereed ee waa dhul daaqsimeed, waxaanu ku hayaa dhulka khatar laxaad leh”. ayuu yidhi.




Wasiirka ayaa intaasi ku daray inaanay ilaa hada xukuumad ahaan helin cid ka taakulaysa dabar goynta Ayaxan, wax talaabo ahna aan la qaadin “ ma jirto cid ilaa hada aanu gacan ka helnay oo naga caawisay sidii loola dagaalami lahaa, waxaanu dirnay warbixino badan oo aanu u dirnay Nairobi , Itoobiya iyo Masar oo aanu kaga dalbanayno in gurmad nalal soo gaadho si wax looga qabto bahalka”.




Laba Hay’addood oo halkan nala joogaa waxay sameeyeen kormeer, dabadeed warbixinihii iyo sawirradiiba way direen cid ka soo jawaabtayna ma jirto”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Ayaxa ayaa Xaalufiya Deegaanka, khaasatan dhirta oo uu kala cuno caleenta.




Gobanimonews




Saylac Office




Email: editor@gobanimonews.com