Monday, December 30, 2013

Somaliland: Maaliyadda oo Dhisme cusub loo dhisay


Hargeysa(GNA)-Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa xadhiga ka jaray Dhisme cusub oo loo dhisay qaybo ka mid ah Xafiisyada Wasaaraddaasi ee Magaalada Hargeysa.
Dhismahan oo ay lacagta ku baxday ay iska kaashadeen Wasaaradda Maaliyadda oo bixisay 30% iyo Hay’adda IOM oo ku caawisay 70% kale , ayaa  loogu talo galay Xafiiska Cashuuraha Berriga iyo Hanti-dhawrka Wasaarada Maaliyadda.
Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka hadlay xaflada lagu furay dhismahan, ayaa sheegay inay Waaxyaha wasaaradda ee loogu talo galay baahi weyn u qabeen goobo istaatiijiya oo ay ku shaqeeyaan.
“Waxaan u mahad celinaynaa Hay’adda IOM oo dhismehan 70% bixisay kharashka ku baxay,maaha markii koowaad  ee Hay’addani mashaariic ka fulisay waanan u mahad naqaynaa”ayuu yidhi Wasiir Samaale.
Waxaanu intaasi ku daray “Dhismaha waxaa ku shaqaynaya xafiisyada Cashuuraha Barriga oo ah waaxda labaad ee dakhliga dalka soo saarta, marka laga yimaado kastamadda oo ah kuwa ugu horeeya”.
Dhinaca kale, waxa xafladaasi ka hadlay wasiir u dawlaha Maaliyadda Cismaan Saxar-diid iyo xubno ka mida Saraakiisha sar sare ee Wasaaradaasi, kuwaasoo sheegay in xafiisyadan cusub ee loo dhisay Wasaaraddu wax weyn ka tari doonaan hawlaha shaqo iyo xafidaada adeegyada bulshada.
Khadar Maxamed Xaashi
Gobanimonews
Hargeysa office