Sunday, December 29, 2013

Urur Aqoonyahan oo Digniin soo saaray


Anagoo ah Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beesha Bariga Burco, waxaan Raali gelin ka Bixinaynaa Qoraalka Naxliga Xambaarsan ee ay soo qoreen kuwo isku sheegayaa in la yidhaahdo Baraarug ee leh nabada ayaan ka shaqaynaa.




Hadalka aflagaadda iyo xumaanta saaraaya dad aan gaynin, oo karaamo leh, waxaan bulshadda u sheegaynaa in aanay Beesha Bariga Metelin Isla markaana ahayn hadalkoodii, sidaas darteed cidkasta oo uu gaadho qoraalkaasi waanu ka raali gelinaynaa, HCTV iyo kuwo kaleba la mid ka ahi ixtiraam ayay naga mudan yihiin.




Kuwa qoray waxaan uga digaynaa in ay ka waantoobaan isku dirka iyo iska horkeenka bulshadda ee ay ku mashquulsan yihiin, waxa kale oo aanu kula talinaynaa ina ka shaqeeyaan wax bulshadda iyo gobolka Dan u ah.




Markii aanu aragnay Qoraalkan, aad ayaan uga xumaanay, waxaanan u aragnay inuu yahay mid xanbaarsan xumaan iyo naxli iyo kala fogayn bulshadda ah, taas ayaa keentay in aanu soo qorno qoraalkan kooban.




 




Aqoonyahanka iyo Waxgaradka




Bariga Beesha  Burco




 




aqoonyahankabarigaburco@hotmail.com