Tuesday, December 31, 2013

Burco: Guddoomiye Dibadeed Xisbiga kulmiye ah oo fadhiga looga kacay soo dhaweyntiisa


Burco(GNA)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Waqooyiga America, Mustafe Cabdi Cartan kana mid ah Ciyaartoygii Hore ee G/Togdheer  ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Burco xarunta Gobolka Togdheer.




Mr-Mustafe oo hada kasoo kicitimay Dalka Canada oo fadhigiisu yahay ayaa waxaa soo dhawyntiisa ka qaybqaatay Madaxda Gobolka oo hormuud ka yahay Badhasaab xigeenka Gobolka Togdheer ahna Kusimaha gudoomiyaha Gobolka Togdheer,Agaasimaha Guud  ee Wasaarada Qorshaynta,Xildhibaano Golaha degaanka a iyo dadwayne kale,waxaana gudoomiayaha xisbiga Kulmiye ee Nourt America laga soo galbiyay Magaalada qoyta iyadoo markii danbe la dajiyay Hotel palaza Halkaas oo uu uga mahadnaqay dadwaynihii soo dhaweeyay.




Gudoomiye Mustafe Cabdi Cartan, oo ka hadlay soo dhaweynta loo sameeyay iyo ujeedada socdaalkiisa ayaa yidhi ''Aaad baan idiinku mahadnaqayaa dadwaynaha reer Burco ee isoo dhaweeyay,Dalkayga iyo Gobolkayga waxaan uga soo kicitimay meel Durugsan,laba sababood baanan u imi marka hore waxaan anigu ahay ciyaartogii Hore ee Gobolka Togdheer sidaa awgeed inaan sare u qaado ciyaartoyga Gobolkan,ta labaadna waa inaan ka qaybgalo shirwaynaha Xisbiga ee la filayo inuu qabsoomo”.




Badhasaab ku xigeenka Gobolka Togdheer ayaa isna halkaas hadalo kasoo jeediyay waxaana hadaladiisi ka mid ahaa'' Gobolkan iyo degmadan wax badan baa inoo qabsoomay'laakiin laba wagcadood oo yar yar baa inagu dhacay hadii tahay tii isboortiga iyo hadii ay tahay tii maalintii dhawaydba,Runtiina reer hargaysa intaas wax way ka dhacaan laakiin way inaga qarsan ogyihiin,waxaan reer burco leeyahay qabyaaladi waxba ma dhisto,wixii hore ee aynu dhisanay midnimaynu ku dhisanay oo waxaynu qabsanay cidkale ma qabsanin.ilaahay haynaga hayo wixii xun aan wanaaga ku dedaalo.




Xildibaan Mubaarig Yussuf Cilmi (Bidhi) oo hadal kooban soo dhawyntaas ka yidhi  ayaa isna waxa ka mid ahaa'' reer burco hadii la yidhi waa daamo maaha ee way midaysanyihiin xildhibaanadayadii waa kuwaas Midaysan ee isku duuban,reer Burcona waxaan leeyahay nabada ilaashada oo horumarka ha ka shaqeeyaan.




Agaasimaha Guud ee wasaarada Qorsaynta C/rashiid Axmed Guuleed ayaa isna waxa uu sheegay Burco inay horumar wayn gaadhay aadn uu ugu qusuucay intii joogay isla markaan uu dhex luugeeyay habeenimo oo uu ku arkay nabadgelyo taam ah.




 




Gudoomiyihii hore ee tayada Siciid Saleebaan,Gudoomiayaha Ururka NOW ee G/Togdheer ayaa wada jir iyaguna u soo dhaweeyay Mr- Mustafe aadna ugu mahadnaqay soo noqoshadiisa dalka hooyo waxanay ka codasadeen inuu wax kala qabto ciyaaraha G/Togdheer.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: mmaxmed@hotmail.com