Thursday, December 26, 2013

Somaliland: Gaadiidleyda oo mar kale ka dhaartay inay bixiyaan Boqol Dollar oo Cashuur ah


Lacagaha lagu sharciyeeyay Xeerka Takaaliifta oo Culayskiisu sababi karo in Cashuurtii Dastuuriga ahayd shacbigu bixin waayo ama kacdoon”Warbixin




Hargeysa(GNA)-Lacag gaadhaysa Boqol Dollar oo cashuur ah ayaa laga qaadayaa Booyadaha biyaha u dhaamiya Magaalooyinka dalka Sanad kasta, taasoo ay si weyn uga gadoodsanyihiin.




Boqolaal Gaadiid ah oo Booyaddo saaranyihiin ayaa saaka isugu soo  baxay Darafyada Magaalada ee Bariga iyo Galbeedka, halkaasoo ay cabasho xoogan ka sameeyeen.




Gaadiidleyaasha ayaa sheegay inay ka cabanayaan cashuurro dheeraada oo lagu soo rogay, taasoo lixdii bilood laga qaadayo lacag gaadhaysa $50 Dollar, waxaanay sheegeen in lacagtaasi sanadkii noqonayso lix boqol oo kun iyo dheeraad u dhiganta boqol Dollar ($100).




Lacagtan ayaa ka korodhay Cashuurta gaarka ah ee loo sameeyay horumarinta Waddooyinka dalka oo ay Wasaaradda madaxtooyadu soo rogtay badhtamihii sanadkan sii dhamaanaya, taasoo gaadiidka waaweyn lagu soo rogay lacag dhan 300,000 SHLS.




Lacagtaasi waxa dheer cashuurtii Caadiga ahayd ee hore looga qaadi jiray oo sanadkii dhamayd 240,000 Shls, isla markaana sanadkan lagu kordhiyay 40,000, taasoo noqotay 300,000 Shls lixdii bilood.




Inkasta  oo tiro Gaadiidley kooban ahi la dhecsanyihiin lacagtan in laga qaado, isla markaana ku doodayaan inay soo saari karaan lacagtaasi sanadkii, hadii dalka wax loogu qabanayo, hadana bilowga cabashada maanta ficilka isu bedeshay ayaa ahayd mid tan iyo markii xeerka waddooyinka la ansixiyay taagnayd, oo wakhtigeeda sugaysay.




Culayska Lacageed ee fuulay xiligaasi gaadiidleyda ayaa damqayay Mulkileyaasha gaadiidka dadweynaha qaada ee Basaska loo yaqaano, kuwaasoo bilowgii ansixinta Mashruuca xeerka waddooyinka, wacad ku maray inaanay bixinayn lacagta dheeraadka ah ee lagu soo rogay.




Dhinacyadan Gaadiidka ka xoogsada ayaa ku doodaya inaanay helin ama dhaqaale ahaan awooddin bixinta cashuurta dheeraadka ah marka loo eego wax  soo saaraankooda iyo  qadarka lacageed ee la saaray.




Hase ahaatee dhawaaqaasi cabasho ayaanay jirin cid dheg u jalaq siisay ama garowshiyo ka bixisay, marka la eego arrimaha ay ku doodayeen, xataa Hay’adda xukuumiga ah ee hindisahan keentay oo ah wasaaradda madaxtooyada.




Tani waxay dadka qaar ula muuqataa in loo badheedhayo lacagtaasi in khasab dadka  lagaga qaado, siiba Gaadiidleyda, taasoo muujinaysa awood sheegasho sababi karta Mushkiladdo bulsho iyo iska hormaad xaasaasi.




“annagu maalinta lay waydiiyo lacagtaa ee aanu bilayska isqabsano Gaadhigayga iyo anniguba waan isgubaynaa”sidaasi waxa yidhi Mawaadin bilo ka hor ka walaacsanaa natiijada xeerka Takaaliifta waddooyinka Somaliland oo Warbaahinta la hadlay.




Dhinaca kale, Ka hadalka xeerkan iyo cashuuraha dheeraadka ee lagu  soo rogay ayaa u muuqda mid carqaladaynaya cashuurta caadiga ah ee dadka laga qaado, taasoo halis gelaysa hadii uu yooyootan dhex maro Hay’addaha Dakhli uruurinta dawladda iyo Shacbiga cashuurta bixiya.




Cashuurihii loogu talo galay inay sanadkan sii dhamaanaya soo xeroodaan ee lagu muujiyay Miisaaniyadda Dawladda dhexe 2013-ka ayaanay 25% soo xeroonin, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiil sar sare oo ka tirsan wasaaradda Maaliyaddu.




Waxaanay taasi caddeynaysaa inaanay suurto gal ahayn inay dadku bixiyaan cashuur dheeraada oo ka baxsan ta ay sharciyan wasaaradda maaliyaddu qaadaysay 20kii sanadood ee uu hirgalay nidaamka dawliga ahi, hadii lagu qasbana waxa ka imanayaa ay tahay isqab-qabsi iyo xaalad nabad gelyo daro.




Cashuurta Takaaliifta waddooyinka, ayaa qaadisteedu ka bilaamaysay lix biloodka dambe ee sanadkan 2013-ka, waana tan ay maanta cabashada ka muujiyeen Gaadiidleyada Biyaha dhaamisaa.




Marka la eego ififaalaha muuqda,arrintan ayaa cabashadeedu wada gaadhaysaa dhamaan dadka Baabuurta wata oo dhan.




 waxaana dhinacyada kale ee culayskeedu iminkaba saaranyahay ka mid ah Ganacsatada Xoolaha Nool dhoofiya  oo lacago dheeraad ah la saaray calaa neef xoolaha ay ka dhoofinayaan dekedaha dalka iyo Shaqaalaha Dawladda oo  mushaharkooda si joogto ah qaadhaanka laga jaro.




“Dawladdu sidan ay yeelaysaa si maaha, Mushaharkii aanu qaadanaynay ayay lacag ka jartay, tii ay balanqaaday inay kordhinaysana wali may fulin, markaa sidaasi waa cuno qabateyn caadiya”sidaasi waxa Wariye ka tirsan Bahda Gobanimonews u sheegay   mid ka mid ah shaqaalaha Dawladda oo cabasho ba’an ka muujiyay lacagta qaadhaanka waddooyinka looga jaro shaqaalaha dawladda oo qadarkeedu dhanyahay bil kasta $5 (shan dollar).




Waxaanu intaasi ku daray “mida kale lacagtaasi iyadoo aniga layga jaray, ayaa hadana afar meelood oo kale oo goobihii waxbarashada ah laygaga qaadayaa, oo ardayda iskuulka laga soo eryayaa hadaanay lacagtaa qaadhaanka bixin, bil kastana laga doonayaa hal dollar”.




Cabashada Ninkan ayaan ku koobnayn isaga oo qudha balse shaqaalaha dawladda badankoodu la qabaan, inkasta oo aanay dareen ahaan cabashadooda si cad u soo bandhigi Karin.




Geesta kale, Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa shacbiga ku war gelisay in ganaax culus laga qaadayo qofka bixin waaya cashuurta laga bilaabo sanadkan, kaasoo lagu ganaaxayo lacag saddex jibaar ka badan cashuurta ku waajibtay ee laga doonayo.




Sidaasina waxa lagu sheegay digreeto uu salaasadii todobaadkan soo saaray wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, taasoo lagu dhaqan geliyay miisaaniyad sanadkeedka dawladda ee 2013-2014.




Si kastaba ha ahaatee culayska Bulshada ka soo fuulaya cashuuraha isbiirsaday ee dawladdu qaadayso iyo cabashooyinka isa soo taraysa ee ka dhalashay, oo ku soo beegmay xili  uu dhaqaalaha dalku liito,  ayaa aakhirka sababi kara kacdoon shacbi oo khatar nabad gelyo daro dabada ku wata,kaasoo  hadii aanay dawladdu dib isugu noqon oo aanay keeninin xal  lagaga hortegayo, iska hor-imaad dhab ah abuur kara.




Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com