Monday, December 30, 2013

Cawke iyo Hereri oo ka shaqo galay Telefishanka HCTV iyo Caqabadaha hor-yaala


Hargeysa(GNA)-Wariyeyaasha Axmed Xasan Cawke iyo Cabdilaah Hereri, ayaa ka soo muuqday Shaashadaha Telefishanka Siteliteka ku jira ee Maxaliga looga daawado Magaalada Hargeysa.




Horn Cable ayaa la aasaasay sanadii 2008-dii, waxaana soo maray Wariyeyaal waaweyn oo caanka ah somaliland, sida  Cabdilaahi Aadan Cumar Wayab dhawaan dib uga shaqo galay, Xasan Maxamed Yuusuf, Khadar Maxamed Cakulle iyo kuwo kale oo wakhti dheer ku soo jiray Mihnada Saxaafadda.




Labadan Wariye ayaa ah rugcadaadi dhanka xirfada ah, waxaanay muddo dheer ka shaqaynayeen Ideecadaha Somaliga ku warama iyo Telefishanka UNIVERSAL.




Hereri iyo Cawke ayaa  gaadhay  heer warfidiyeeno soo kacayaa mustawe ka dhigtaan inay gaadhaan halka ay Marayaan labadan Nin iyo wariyeyaal kale oo lagu daydo.




Dadka ka daawada shaashadaha layska arko iyo kuwii ka dhegeysan jiray iddeecadaha ayaa aad u jeclaan, codka halaasiga ah iyo hal-abuurnimadooda, taasoo sababtay inay sumcad badan ka helaan dhegeysteyaashooda.




Saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay ayay ka tirsanaayeen Telefishanka Universaltv ee Xaruntiisu ku taalo magaalada London , waxaanay shaqadoodu u badnayd Gobollada Somaliland oo ay barmaamujyo badan ka sameeyeen.




Inta badan suxufiyiinta ka hawl-gala Telefishanka ay hada ka shaqo bilaabeen, ayaa ah kuwo aad u da’yar oo aan waayo aragnimo badan lahayn, laakiinse aqoon ahaan jaanqaad la ah casriga iyo xiliga cusub ee Caalamku marayo.




Waa laba marmaamuj soo saare oo waayo arag ah, waxaana laga tilmaamaa laf dhabarta Telefishanka ay ka huleeleen oo ah telefishan Guun ah oo muddo dheer hawada ku jiray.




“Fursad weynbay u yihiin Horn Cable hadii uu helay labadan wariye, laakiinse mushkiladu waxa weeye wariyayaashu kuma hakadaan warbaahinta oo berri uunbay meel kale tegayaan”sidaasi waxa Gobanimonews mid ka mid ah Daawadeyaasha Telefishankan oo la dhacsan inuu Cawke iyo hereri mar kale Telefishan maxali ah ka arko.




Doodda ah guur-guurka suxufiyiinta ka hawl-gala Warbaahinta somaliland, ayaa ah mid jirta oo mar walba taagan, waxaana sabab u ah dhaqaalaha Hay’addaha Warbaahinta oo aan mushahar wanaagsan bixin iyo Mulkileyaasha oo inta badan wariyeyaasha ku colaadiya danaha aaminada dano siyaasadeed iyo isbedelada mabda’a siyaasada Hay’adahooda.




Sanad kasta tiro wariyeyaala ayaa shaqada uga taga cadaadis kaga yimaada dhanka Maamulka Hay’addaha ay ka hawl-galaan iyo dhaqaale xumo sababta inuu suxufigu horumarin kari waayo mihnadiisa.




Warbaahinta Madaxbanaan ayaa ah kuwa ay ugu badan yihiin inay wariyeyaashu iskood shaqada uga tagaan, marka ay caqabado ka hor yimaadaan.




Marka la eego wajiyada sumcadda iyo Miisaanka saxaafadeed xambaarsan ee ku biiray Telefishankan Horn Cabletv , dadka ku dhex jira mihnada iyo kuwa xogogaalka u ah mushkiladaha Hay’adaha warbaahinta ka jira oo ay dheertahay tayada qalabka ay ku shaqeeyaan oo aan wanaagsanayn, waxa maskaxada dadkaasi ku soo dhacaysa mulkilaha Telefishankani ma yahay shakhsi Wariyeyaashan ay  wakhti dheer sii wada shaqayn karaan.




Ka sekow Mulkileyaasha  Maamuladda Hay’adaha warfaafinta Madaxbanaan, ayaa lagu tilmaamaa inay qayb ka yihiin mushkiladda jirta, balse su’aasha ugu muhiimsan ee meesha taala ayaa waxay tahay ma u bisilyihiin Suxufiyiintani inay macalimiin iyo waliba masuuliyiin u noqdaan suxufiyiinta da’da yar ee dalka ka hawl-gal siiba kuwa ka shaqeeya Telefishankan.




Mase laga gaadhay xiligii uu Mulkilaha Horn Cable, ka faa’idaysan maskaxda iyo waayo aragnimada nimankan?. isla markaana mushahar ku filan iyo hufnaan maamul ugu kasban lahaa, si uu u hanto Taageerayaashooda iyo tamarta hawl-qabad ee ku jirta.




Si kastaba ha ahaatee labadan wariye ayaa u muuqda kuwo waajaha marxalad warfiyeenimo cusuba oo Maxaliya, taasoo looga baahanyahay inay dhabar adayg iyo Samir badan u yeeshaan,  wax badana uga tanaasulaan horumarinta tayada warbaahineed ee waddanka.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com