Friday, December 27, 2013

Qarax Gilgilay Magalaada Muqdisho Oo Dad Badan Ku Dhinteen


Muqdisho (GNA) Goordhaw qarax Miino oo Dad Badan ku Dhinteen uu ka Dhacay Maqaayad ku taala Xaafada Sii sii ee Mogadishu iyadoona faah faahino kasoo baxayaan qasaaro xoog badan oo qaraxa ka dhashay.




Qaraxa ayaa ahaa Nuuca Miinada Dhulka lagu aaso kaa oo la galiyay Maqaayad ay inta badan Ciidamada Dowlada fadhiitaan iyo waliba dad shacab ah oo ku taal goob dadku ku badan yihiin oo kutaal Xaafada Siisii.




Ku dhawaad 10-qof oo isugu jira Ciidan iyo dad Shacab ah ayaa ku dhintay qaraxa oo ahaa Mid un dhacay daqiiqado kahor waxaana jiro dhaawacyo tiro badan oo iyana isbitaalada loola cararay.




Xaalada ayaa ah mid kacsan ciidamo tiro badan ayaana goobta soo buux dhaafiyay, waxaa goobta qaraxu ka dhacay yaalay hilbo go go’ay iyo dhiig badan .




Gobanimonews.com




Hargeaysa/somaliland