Sunday, December 29, 2013

Somaliland: Baarlamanka oo Guddi baadhiseed u saaray Isku day Di loo Xildhibaan lagula kacay


Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdi raxmaan Maxamed Cabdlaahi Cirro , ayaa Guddi baadhiseed u saaray weerarkii lagu qaaday laba bilood ka hor Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille ee ka dhacay Hargeysa.




Weerar lagu qaaday xildhibaanka xili gelin dambe ahayd bishii October ee sanadkan, ayaan ilaa Hay’addaha Baadhista Somaliland wax warbixin ka soo saarin, inkasta oo maalmo ka dib markii weeraraku dhacay gacanta lagu soo dhigay nimankii geystay oo uu ku jiray sarkaal Bilayska ciidan ahi.




Guddida Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu arrintan u saaray, ayaa kala ah:




Xildhibaan,Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac




Xildh. Ibraahim Jaamac Rayte




Xildh.Maxamed Saalax Cigge




Xildh,Xamse Maxamuud Gaada-weyne




Iyo Mustafe Maxamed C/laahi oo ah la taliyaha arrimaha Sharciga ee Golaha Wakiillada.




Ma cadda hawsha guddadani qabanayso iyo meesha ay wax ka bilaabi doonaan, hase ahaatee sida uu sheegay Guddoomiye Cirro waxa loo xilsaaray inay baadhis ku soo sameeyaan sidii falka weerarka ahi u dhacay.




21 Bishii October ayaa xildhibaan goor galaba saddex Nin oo gaadhi wataa ku rasaaseeyeen Xaafadda Jig-jiga yar, kuwasoo la sheegay inay markii hore hadalo maagis ah ku bilaabeen, dabadeedna mid ka mid ahi rasaas ku riday.




Gobanimonews




Hargeysa office




Email: editor@gobanimonews.com