Tuesday, December 31, 2013

Prof Samatar oo Somaliland ka Daaweynaya Cudurka Qabyaaladda .Warbixin


Wuxuu Macalin u  noqday kuwo badan oo xaasaasiyad ka qaaday imaantinkiisa labaad ee somaliland oo safar siyaasadeed loo haystay”Akhri




Hargeysa(GNA)-Aqoonyahanku waa qof ka aragti dheer dadka kale ee Caadiga ah ama aan inta badan wakhtigooda ku lumen  inay wax baadhaan, waxaanu ogyahay meesha ay bulsho ka bugto ama wax ka khaldamaan hadii mushkiladdi timaado.




Sababtuna waxa weeye daraaseynta iyo la socodka xaaladaha isbed-bedelaya ee dadka, taasoo qofka aqoonyahanka ah, siiba kuwa u darban dhinaca indho ku hayntoodu u nugulyihiin sii eegashada gol-daloolooyinka muuqda.




Inkasta oo ay Garashadu qayb ka tahay sawirka Aadamaha u muujiya xumaha iyo samaanta, isla markaana qofka garaadkiisu sareeye ee aan aqoonta Maadiga lahayni uu xumaantiisa dareemi karo shay bulsho dhaqan ahaan u leedahay, hadana la tacaalida xaaladda noocaas ahi kuma badna kuwa Ilaahay Caqli waafiga ah siiyay.




Arragti ahaan waxa muuqata in taa sababteedu tahay (ku dhiirasho la’aanta suulinta xumaha), la’aanta aqoonta Maadiga ah oo bino-aadamka awooddiisa Abuurta ah ku kordhisa ku dhac iyo dhiiranaan geesinimo ku jirto.




Jiritaanka awooddaasi waa mid inta badan bulshooyinka Caalamka u soo saarta kuwo ka shaqeeya la dagaalanka Caadooyinka aan wanaagsanayn, laakiinse dhaqan ahaan loogu dhegsanyahay.




Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, waa aqoonyahan aad looga yaqaano dhulka Somalida iyo qaybo ka mida Cariga Maraykanka, waxaanu wax badan ka daraaseeyaa arrimaha siyaasadda ee Caalamka iyo arrimaha Bulshooyinka ku gedaaman.




Axmed Ismaaciil Samatar ayaa todobaadkii hore booqashadiisii labaad ee uu sanadkan ku yimaado somaliland, lagu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka, waxaana halkaasi loogu qaabiley si weyn oo aan isaga laftiisa farxad gelin.




“waan u mahad naqayaa masuuliyiinta iyo dadka halkan igu soo dhaweeyay, anigu waxaan ahay nin dalkiisii yimi oo soo gaadhay si uu dadkiisa iyo dalkiisa u soo yar joogo,markaa waxaan aaminsanahay inaan muteysan soo dhaweynta inta le’eeg, laakiinse waan u mahad naqayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay”ayuu yidhi markii ay Madaarka ku soo dhaweeyeen Wasiirro ka socda Xukuumadda iyo dadweyne kale.




Waxaanu intaasi ku daray isagoo ka waramaya ujeedada socdaalkiisa “mudadii shanta bilood ahayd ee aan idinka maqnaa xiise badanbaa ii soo galay dalkayga, waxaanan u socday inaan mar kale soo arko dadkii wanaagsanaa ee sida weyn iigu soo dhaweeyay somaliland doorkii hore, wax badanbaanan  isdhaafsan doonaa hadii alle ka dhigo”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Axmed Ismaaciil Samatar waa Nin ka soo jeedda Somaliland, una dhashay Gobolka Gabiley, si weyna ugu caan ahaa siyaasadda Somaliland 20-kii sanadood ee la soo dhaafay ilaa uu madaxweyne isaga sharaxay, waxaana imaatinkiisa labaad ee Hargeysa uu maalmo yar ka dambeeyay wefti uu hogaaminayo Madaxweynihii hore ee Awdal State iyo xubno la socda oo mabdi’I yan xukuumadda heshiis kula galay.




Inkasta oo dareemo badan la qaatay safarkiisa, dadkuna waxyaabo kala duwan isweydiinayeen, waxa muuqda sawir ka duwan ka ay dadka siyaasadda kulaalaa ka bixinayeen markii uu yimi, kaasoo ah inuu door ka qaadanayo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dalka ka socda.




Hase ahaatee Samatar, ayaa duruus macalinimo ka bilaamay qaar ka mid ah jaamacaddaha waddanka ku yaala, kuwaasoo uu ka jeediyay khudbaddo muhiimad weyn xambaarsan oo ku tacaluqa Maamul wanaaga iyo xumaanta Qabyaaladda.




Shantii maalmood ee ugu dambeeyay ayaa Warbaahintu soo tebinaysa isagoo kula hadlay Arday faro badan Jaamacaddo ku yaala Gabiley iyo Hargeysa, kuwaasoo aynu ka xusi karno Jaamacaddaha, Timo-cadde, New Generation Univ, Gollis Univ iyo Alpha Univ oo uu caawa Huteel Safaari Ardayda kula hadlay.




Qabyaaladda




Qabyaalada ayaa ah mushkilad dadka reer Somaliland dhibaato weyn ku haysa shacab iyo dawladba, waxaanay ka mid tahay cudurrada ugu dhibaatada badan ee dalka ka haysta dhamaan ciriqyada yoolka siyaasadda iyo dhaqaaluhu mari lahaa.




Waa arrin dhaqan ahaan dadka u saamaysay, soo jireen la kala dhaxlayna ah, waxaanay cakis ku tahay  horumar iyo qadiyad caama oo uu aad ficilku ugu yaryahay, caabiga ay kala hortimi iyo ismari waayada ka dhasha awgeed.




“Profeser-ku hadii uu qabyaalada ardayda ka waaninayo, waa arrin aad u muhiima , laakiinse waxaynu odhan karnaa dhegihii alle waaniyo ayaa waansan ee waa laga yaabaa in wax badan laga qaato”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Axmed Daahir oo ka mida dadka isha ku haya imaanshiyihiisa somaliland.




Inkasta oo aanu boqolkiiba tirada ugu badan ku guulaysan doonin, sida muuqata inuu laabta ubaxa soo koraya ka saaro qabyaalada, hadana waxa suurto gal inuu qaar badan maskaxdooda iyo maankooda ka dhayo dhaawaca ay gaadhsiisay .




Tani  waana inta qiyaas ahaan lagu sheegi karo muhiimadda socdaalkiisa, laakiinse hadal haynta in layska dhaafo ku dhaqanka qabyaaladu waa mid joogto looga gudbiyo fagaareyaasha lagu kulmo, balse aan wax badan lagu qaadan.




Maamulka Dawliga ah




Kani waa mawduuca labaad ee ku badan khudbadihiisa doorkan, kaasoo ah mid isaga laftiisu muhiimad weyn ugu fadhiya waddanka, isla markaana duruus iyo wacyi gelin u ah dadka Manjaraha u haya arrimaha siyaasadda iyo kuwa maanka ku haya inay mustaqbalka qabtaan masiirka umadda.




Waa arrin khalad badan laga fahmaysanyahay oo ay masuuliyiintu siday doonaan ugu faa’idaystaan xilalka ay hayaan, taasoo qayb ka ah waxyaabaha nooleeya ku dhaqanka qabyaaladda iyo nacaybka bulsho.




Dad badanbaa aaminsan inaanu dastuurka iyo sharcigu macno badan samaynayn, balse qaabiilka oo la tix-geliyaa ka mudantahay in iyaga la dhawro.




Shaqooyinka dawladda Kuraasta muhiimka ah ilaa shaqaale hoosaadka ayaa lagu saleeyaa qabiil, waxaana Wasiirradu inta badan fursadaha shaqo ka fuudh-yeelaan dadka ay ehelada yihiin, iyagoon xaataa mararka qaar ku xulan aqoon iyo karti, balse ku qaata dhiiga ka dhexeeya.




Gunnaanad.




Si kastaba ha ahaatee labadan mawduuc ee Axmed Ismaaciil Samatar ku soo qaaday Khudbadihiisa Maadiga ah,waa kuwo iswaraabiya oo u baahan inay dawladda lafteedu siyaasad cad oo lagula tacaalayo ka yeelato si meesha looga saaro saameynta taban ee ay ku yeelatay hanaanka dawladnimo iyo hayaanka dadka waddanka degen oo adduunyada wali go’doon siyaasaddeed kaga jira.




Dadka arrintan lafa gurayaa ku talinayaan in xataa kulamadda Macalinkani samaynayo la xoojiyo, loona habeeyo goobo waaweyn oo uu kala hadlo dad ka baxsan xarumaha cilmiga lagu barto oo ka mida meelaha ay ugu yartahay qabyaaladdu marka la fiiriyo Bulshada somaliland.




Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com