Friday, December 27, 2013

Afrika: natiijada Shirkii IGAD ee Xaaladda Koonfurta Suudaan


Madaxweyne Xasan Sheikh:IGAD waa inay juhdi walba ku bixisaa si loo xaliyo Koonfurta Sudan."




Nairobi(GNA)-Shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ee aan Caadiga ahay ayaa lagu soo gabagabeeyay Xarunta Madaxtooyadda ee Magaalada Noirobi.




Shirka ayaa looga hadlay Xaaladda Koonfurta Sudan ee ka sii daraysa, waxaana ka soo qayb-galay Madaxweyneyaasha dalalka ku bahoobay Ururkan oo kala ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Jabuuti Ismail Omer Gelle, Madaxweynaha Ugandha Yuweri Museveni, Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia Hailamarian Deselegn, Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Sudan Bakri Xasan Saleh iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee South Sudan.




Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, oo kulankaasi ka hadlay ayaa Madaxda ka soo qayb-gashay waxa uu ugu baaqay inay la tacaalaan Xaaladda Koonfurta Sudan ee sii xumaanaysa .




"IGAD waa inay juhdi walba ku bixisaa si loo xaliyo South Sudan."ayuu yidhi.




Kulankan ayaa warbixin looga dhageystey booqashadii Wasiirada Arrimaha Dibedda ee IGAD ay ku tageen magaalada Jubba, South Sudan 19kii ilaa 21kii December 2013. Dr Tedros oo ku hadlayey magaca wasiiradda IGAD ayaa sheegay in Dowladda South Sudan iyo kooxaha ka soo horjeeda ay oggolaadeen dhexdhexaadin iyo xabad joojin si xal loogu helo khilaafaadka jira.




 



 




Madaxweynaha Soomaaliya  ayaa ku nuuxnuuxsaday inay muhiim tahay in IGAD ay si wadajir ah oo deg-deg ah ugu tafaxeytaan sidii xal deg-deg ah looga dhalin lahaa collaadaha ka jira South Sudan. Madaxweynaha ayaa yiri " Waa inaan muujinaa dadaal kasta oo aan u joojineyno dhiiga daadanaya isla markaana aan u dhexdhexaadin laheyn kooxaha ka soo horjeeda dowladda iyo dowladda si nabad iyo amni looga dhaliyo South Sudan. Soomaaliya 22sano oo collaado iyo rabshado ah baan soo aragnay, sidaas daraadeed, waxaan ka digeynaa in collaadaha ka bilowday South Sudan ay sii dabo dheeraadaan, waana in Dowladda lagu taageeraa qorshaha dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta oo ay hormuud ka noqotaa bacdamaa ay heysato sharciyadii dalka. Soomaaliyana diyaar bey u tahay inay waayo aragnimadeeda uga faa'iideyso South Sudan”ayuu yidhi.




Madaxweyneyaasha kale ee kulanka ka soo qayb galay, ayaa iyaguna carabka ku adkeeyay in loo baahanyahay in  qul-qulatooyinka dalka ka taagan la soo afjaro.




Dagaalo kumanaan qof ku dhinteen ayaa ka socda dalkaasi, kaasoo ku sii fidiya Gobollada dalka oo dhan.




Qaramada Midoobay, ayaa ku baaqday in la helo deegaan nabaddoon oo dadka rayidka ah lagu badbaadiyo.




Dagaalada ayaa u dhexeeya Ciidamada Dawllada Koonfurta Sudan iyo Maleeshiyaad taageersan Madaxweyne ku-xigeenkii hore, kaasoo uu ka fashilmay isku uu doonayay inuu afgambi dalkaasi kaga sameeyo.




Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salfa Kiir ayaa soo dhaweeyay qorshe kasta oo dib u heshiisiin looga abuurayo waddanka, hase ahaatee Ninka Mucaaridka ah ee ka soo horjeeda ayaa wada hadalo dhex mara shardi uga dhigay in la sii daayo Maxaabiista u xidhan siyaasadda ee garabkiisa ka tirsan.




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: editor@gobanimonews.com