Saturday, December 28, 2013

Hargeysa: 70% ka mid ah Xaafaddaha Magaalada oo Biyo la’aani ku habsatay Maanta ka dib shaqo joojintii Booyadaha


Xukuumadda oo afar Booyadood ku qasabtay inay Biyo dhaan sameeyaan iyo Ciidamada Bilayska oo heegan loo geliyay Cabashada dadka Haraadan"Warbixin




Hargeysa(GNA)-Qaylo dhaan xoogan ayaa durba ka soo yeedhaysa dhamaan daamaha Caasimadda Hargeysa, maalin ka dib markii Booyadaha Biyaha Magaalada u dhaamiyaa Shaqo joojin ku dhaqaaqeen.




Booyadaha ayaa ka cabanaya Cashuur dheeraad ah oo xukuumaddu sanadkan ku soo rogtay Gaadiidka kala duwan ee dadweynaha, taasoo baabuurta waaweyn lagu kordhiyay lacag 300,000 shls gaadhaysa oo loogu talo galay horumarinta Waddooyinka.




Culimadda Masaajidda ayaa maanta oo Jimce ah  arrintan shaqo joojinta Booyadaha iyo biyo la’aanta kaga hadlay Khubadihii jimcaha.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo la xidhiidha Xaaladan ka dhalatay cabashada gaadiidleyda iyo haraadka dadka ku habsaday, hase ahaatee Xukuumadda ayaa xoog ku soo qabqabatay qaar ka mid ah Biyooleyaasha mudaharaadka ku jira, kuwaasoo lagu khasbay inay biyo soo dhaamiyaan.




“afar Booyadood oo ka mid ah kuwii shaqo joojinta sameeyay ayaa la soo qabqabtay , waxaana lagu khasbay inay Biyaha dadka u dhaamiyaan, laakiinse dee afartaa booyadood maaha kuwo ku filan baahida taala, bilayskaana ka soo qabqabtay halkii ay shalay dhigeen”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Waxgaradka Xaafadda Calaamadaha ee Magaalada Hargeysa oo ka mid ah meelaha ugu daran biyo la’aanta.




Dhinaca kale, Nin Axmed magaciisa ku soo gaabiyay oo ku sugan agagaarka Hudheelka Star ee isla xaafadaasi ayaa Gobanimonews u sheegay in goor dhaweyd Bilaysku kala dareeriyay dad weyne isugu soo uruuray jidka oo isku dayay inay bilaabaan Mudaharaad, kuwaasoo ka cabanaya biyo la’aanta.




Dhamaan Xaafadda Koonfurta,Bariga iyo Galbeedka eek a fog fog Suuqa iyo meelaha qasabadaha biyuhu gaadheen, ayaa cabashada biyo la’aantu saacad saacad cirka isugu shareeraysaa, ka dib markii ay dadku waayeen Booyadihii ay biyha ka shuban jireen.




“Maanta Xaafadahayaga Dadku waxay la wareegayeen Caagag ay isku waydiisanayaan biyo, haraadbaana ka taagnaa, hadii ay sidaasi ku sii socotona xaaladu halis”sidaasina waxa Gobanimonews u sheegay Nin degen Xaafadda Axmed Dhagax.




Yuusuf Kayse oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Xisbiga UCID ayaa walaac ka muujiyay baahida biyo la’aaneed ee dadweynaha Magaalada 70% ku habsatay,ka dib shaqo joojinta Gaadiidkii biyaha u soo dhaamin jiray.




“Magaalada Biyo la’aantu meel xunbay maraysaa, dadkuna iminka waxa u hadhay inay gaddoodaan, waayo boqolkiiba todobaatan dadku waxay ka cabaan Booyaddo”ayuu yidhi.




Xaafaddaha qaar ayaa maanta Foostada biyaha ahi waxay gaadhay 15000 Shls, taasoo ay meelaha qaar gaadhsiinayaan Gaadhi Dameerrada biyaha dhaamiyaa, sida uu Gobanimonews u sheegay Khadar oo Degen Xaafadda Sh. Nuur ee Degmada Gacan libaan “Xaafadahayaga waxay Dameerleyaashu foostada ku siinayeen 15000 Shls oo u dhiganta $2.5, waliba sida lagu helo ayaa adag”ayuu yidhi.




Si kastaba ha ahaatee korodhka Cabashada dadweynaha biyo la’aanta iyo haraadka ka cabanaya ayaa Xukuumadda Somaliland la sheegay inay u diyaarisay Ciidamo xoogan oo ka hortaga hadii ay Mudaharaad isku dayaan, halkii ay xal kale ka raadin lahayd.




Waxaanay talaabadaasi imanaysaa iyadoo xukuumadda lafteeda loo tirinayo inay sabab u tahay shaqo joojinta Booyadaha , maadaama ay cabashadoodu salka ku hayso cashuurta dheeraadka ah ee la saaray oo ay ku andacoonayaan inaanay bixin Karin.




Cashuurta dheeraadka ah ayaa ah mid uu Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ku soo rogay Gaadiidleyda, isla markaana lagu jideeyay xeerka Takaaliifta waddooyinka, taasoo cabashadeedu dhamaan dalka oo dhan saamaysay, balse gaadiidleyda lagu bilaabay lix biloodka dambe eesanadkan.




La soco wixii war ka soo kordha…




Gobanimonews




Hargeysa Office