Monday, December 30, 2013

Somaliland oo ka aamustay bur-burka K/Sudan iyo Somalia oo Diyaarado u diraysa dadkeeda ku xayiran


Muqdisho(GNA)-Ka dib qaylo dhaan ka soo yeedhay Somalida ku xayiran dalka Koonfurta Sudan ee qul-qulatooyinku ka qarxeen, xukuumadda Federaalka Somalia ayaa sheegtay inau Diyaaraddo Khaasa u kiraynayso mawaadiniinteeda ku god’oonsan Goboladda dalkaasi.




Laba todobaad ka hor markii dagaal ka qarxay Koonfurta Sudan Xaalada waddankaasi waa mid marba marka ka dambeysa rajadeedu sii xumaanayso, isla markaana dagaaladu ku sii fideyaan Goboladda dalka oo dhan.




In ka badan toban kun oo Somali ah ayaa ku nool dalka Koonfurta Sudan, kuwaasoo Ganacsiyo kala duwan iyo fursado shaqo u doontay halkaasi, balse ka dib markii ay dagaaladu ku habsadeen qaar badan hantidoodii laga dhacay.




ku simaha wasiirka arrimaha dibeda Somalia Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in dowladu ay go’aansatay iney talaabadaas qaado si loo badbaadiyo muwaadiniinteeda ku dhaqan dalkaas oo qatar xoogan ay soo wajahday.




 “Koonfurta Sudan sidaan la wada soconaba dagaalo ayaa ka qarxay, Soomaali badan baana halkaas ku nool oo ka xoogsan jiray, dowladu iyadoo gudaneysa waajibaadka ka saaran badbaadinta dadkeeda ay go’aansatay iney dayuurado kireyso si ay u soo daad gureeyan Soomaalida dalkaas ku go’doonsan” ayey tiri Fowsiyo.




Hadalkan ayaa hadii uu run noqdo farxad iyo reynreyn u ah Kumanaanka halkaasi ku cadilan, kuwaasoo qaarkood magan gelyo u galay xeryo qaramada Midoobay ku leeyihiin Dalkaasi.




Foosiya Xaaji Aadan Qabille ayaa ka mid ahayd wasiirro ka socday dalalka IGAD oo wefti xaqiiqo raadin ah u tegay dalka Koonfurta Sudan, maalmo ka hor kulan aan caadi ahayn oo ay Jimcii magaalada Nairobi ku yeesheen Madaxweyneyaasha dalalka IGAD.




Dowlado badan ayaa intii dagaaladaasI dhaceen mawaadiniintooda ka daad gureeyay dalkaasi .




Somalida ku nool dalka Koonfur afrika ayaa isugu jira kuwo u dhashay Gobolada Somaliya iyo Somaliland.




 



Somaliland oo ah waddan saaxiibtimo badan ka dhawreysay waddanka Afrika ugu da’da yar ee dib u colaaduhu uga qarxeen, ayaan ilaa hada soo hadal qaadin mawqifka ay ka taagantahay xaaladaha waddankaasi ka oogan.




Soo hadal qaadis la’aanta dawladda somaliland ee colaadaha ka qarxay Koonfurta suudaan ayaa Muujinaya inaanay wax qorshe ah ka lahayn amase aanay waxba kala socon dhibaatooyinka halkaasi ku haysta Mawaadiniinteedda.




Ma jiro Masuul kaliya oo somaliland ka tirsan oo arrintan ka hadlay madaxweyne ilaa heer Wasiiru khaarajiye, waxaanad moodaa inay arrimahaasi u metesho wasiirka arrimaha dibadda ee somaliya.




Tani waxay muujinaysaa habacsanaan diblomaasiyadeed ama hamrasho siyaasadeed oo ay somaliland ka gashay arrimaha dalka K/sudan, taasoo hoos u sii dhigaysa sumcadda iyo doorka ay ku leedahay manda-qada labada dal ku yaalaan.




Madaxweynaha somaliland ee talada haya ayaa lagu soo casuumay sanadkii 2011-kii markii dalkaasi Madaxbanaanidiisa loogu wanqalay Magaalada Caasimadda ah ee Jubba, halkaasoo uu kaga qayb-galay xaflad kulmisay diblomaasiyiin faro badan oo uu fursad ugu helay.




Somaliland ayaa markii Koonfurta Sudan dawlad madaxbanaan loo aqoonsaday ku doodi jirtay in iyagana aqoonsi la siiyo, maadaama ay yihiin waddanka labaad ee sida koonfurta Sudan gooni isutaagiisa kala soo laabtay waddan kale oo ay midoobeen.




Hase ahaatee dooddaasi oo meesha ka baxday labadii sanadood ee ugu dambeeyay iyo dareen la’aanta xukuumadda Siilaanyo ee xaalada ku habsatay dalkii meeqaamka siyaaasadeed ee wanaagsan siiyay ayaa muujinaya aqalka looga arrimiyo Somaliland si weyn uga dhacsanyahay waxyaabaha adduunka iyo afrikaba ka dhacaya.




Taasina waxay nusqaan labaad sii noqonaysaa marka ay Mawaadiniinta koonfurta Somaliya Diyaaraddo ku yimaadaan Magaalada Muqdisho ee ay kuwa somaliland ku hadhaan Magaalooyinka dagaaladdu ka socdaan ee dalka K/sudan.




Gobanimonews




Djabouti Office




Email: editor@gobanimonews.com