Friday, December 27, 2013

Maraykanka oo hub iyo diyaarado dagaal siiyay dawladda Ciraaq


Baqdaad (GNA) Dawlada Maraykanka ayaa u dirtay wadanka Ciraq hub fara badan oo ay ku jiraan gantaalaha cul culus iyo diyaaradaha meelaha fog fog laga hago ee wax basaasa duqeeyana




War laga soo xigtay waaxda difaaca ee The Pentagon, ka la yiraahdo ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Washington ay hub fara badan siisay dawlada Ciraaq si ay u xoojiso dagaalka Al-Qacida ka dhanka ah.




Warkaan oo ay warbaahinta Maraykanku wax ka qoreen waxaa lagu sheegay in dawlada Ciraaq la gudoonsiiyay gantaalaha nooca Hellfire 75 loo yaqaan iyo diyaaradaha yar yar ee wax basaasa isla markaana wax duqeeya.




Afhayeenka waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka haweeneyda la yiraahdo Jen Psaki ayaa sheegtay in sidoo kale ay dawlada Ciraaq ku gacan siinayaan tababarida ciidamada si dalkaasi uu uga nabad galo Al-Qacida




Gobanimonews.com




editor@hotmail.com