Friday, December 27, 2013

Xildhibaan Buubaa: Guddida Joogtada ah ee Wakiilladu way bilaabeen Shaqadii loo igmaday” Dhegeyso


Guddida cusub ee Joogtada Wakiillada Somaliland oo Shaqadoodii bilaabay, xili wali khilaaf ka taaganyahay isku shaandheyntii Guddoomiyaha




Hargeysa(GNA)-Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa kulankoodii u horeeyay maanta yeeshay Maanta oo khamiisa , ka dib markii todobaadkan Golaha Wakiiladu ansixiyay isku shaandheynta lagu sameeyay guddi hoosaadyada Golahaasi.




Magacaabista Guddi hoosaadyada guddidani ku jirtay ayaa khilaaf culus ka dhex abuuray  Shir-guddoonka Golaha Wakillada, khilaafkaasoo kala irdheeyay saddexda xubnood ee shir guddoonka Wakiillada oo ilaa hada cadho ka dhalatay arrintaasi ku kala maqan.




Hase ahaatee Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee cusub Mudane Mahdi Ibraahim Buubaa oo fadhiga maanta Shir Guddoominayay ayaa sheegay inay hawshooda si rasmiya u bilaabeen, isla markaana kulankii ugu horeeyay yeesheen.




Mahdi Ibraahim Buubaa, ayaa sheegay in kulanka lagaga wada hadlay sidii loo dar dar gelin lahaa hawlaha iyo Shaqada u taala Guddida joogtada, isagoo farta ku fiiqay in arrimaha aadka loo dooday ay ka mid yihiin helida xog uruurintii Golaha, qiimeynta Xildhibaanada Golaha ka maqan, diyaarinta qorsheyaashaa Guddida iyo la xisaabtanka Shir-guddoonka ee doorka kaga aadan shaqada Golaha.




Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray “maanta waxaanu yeelanay fadhigii koowaad ee Guddida joogtada ah,waxaana kulanka ka soo qayb galay xubnaha guddida intoodii badnayd afar xildhibaan oo fasax nagaga maqan ayuunbaa ka maqnaa, waxaana ka wada hadalnay sidii aanu hawsha Guddida u bilaabi lahayn”ayuu yidhi Mudane Buubaa.




 Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inaanay wax dhukumanti ah oo ugu iman xafiiska, isla markaana todobaadyada soo socda ay u yeedhi doonaan shir-guddoonka Golaha si ay warbixino uga helaan.




Hadaba halkan ka dhegeyso Guddoomiyaha oo arimahaasi ka hadlay markii fadhigu dhamaaday ka dib:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Buubaa.mp3"][/audio]




Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa sheegay inuu hakiyay sharciyadda lagu magacaabay Guddiyada golaha ee laysku shaandheeyay, ka dib markii labada Guddoomiye ku-xigeen ee Goluhu u gudbiyeen Dacwad ka dhan ah Guddoomiye Cirro iyo magacaabista Guddiyadan.




 waxaanay taasi dood sharci oo aan ilaa hada dhinacna laysula dhicin ka abuurtay Golaha wakiiladda iyo Hay’addaha Garsoorka ee dalka oo qoloba qolada kale ku eedeynayso inay waddo khaldan martay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com