Sunday, December 29, 2013

Somaliland:Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Badhasaabada Goboladda.Dhegeyso


Hargeysa(GNA)-Wasiirka arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran Cadde ayaa Maanta kulan la yeeshay Badhasaabadda Gobollada dalka.




Kulanka ayaa ahaa mid ay albaabadu u xidhanyihiin oo aan saaxaaafadda loo ogolayn , hase ahaatee markii laga soo baxay ayaa Wasiirku faahfaahin ka siiyay Warbaahinta waxyaabihii laga wada hadlay.




Waxa uu sheegay in shirkaasi looga hadlay sidii Guddoomiyeyaashu u dar dar gelin lahaayeen hawlaha, shaqo ee ay Bulshada u hayaan, isla markaana loo xoojin lahaa wada shaqaynta Wasaaaradda iyo Maamullada Gobollada.




Badhasaabadda Gobollada dalka ayaa looga yeedhay Caasimadda, todobaadkii hore dhamaadkiisa.




sida lagu sheegay ilo wareedyo Gobanimonews heshay waxa yeedhmaadooda lahaa Madaxweynaha Dalka oo la sheegay inuu kala hadli doono sidii loo horumarin lahaa hawlaha maamul ee ay Goboladda uga wakiilka yihiin Xukuumadda dhexe.




Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay in natiijo wanaagsan iyo isfaham uu ku dhamaaday shirka maanta dhex maray isaga iyo wakiillada Gobollada ee Xukuumadda.




Halkan ka dhegeyso Hadalka Wasiirka:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Waran-cadde.mp3"][/audio]




Guddoomiyeyaasha Gobollada ayaa maamul ahaan hoos yimaada Wasaaradda arrimaha gudaha, hase ahaatee waxa magacaaba Madaxweynaha.




Waxa kulanka maanta ka dhex muuqday Guddoomiyeyaal Gobo loo aan siyaasad ahaan Gobolladooda gacanta ku hayn iyo ku dugsanaya xurguf siyaasadeed oo kala dhexeaysa Bulshada degen Goboladda ay Maamulan, sida Badhasaabka Gobolka Badhan iyo ka Gobolka AWDAL.




Waxa kale oo aan shirkaasi maanta goob-joog ka ahayn Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdillahi (Xamarje), oo Gobolkiisa todobaadyadii ugu dambeeyay rabshado ka dhaceen.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com