Tuesday, December 31, 2013

Jaaliyada Awdal Ee Sucuudiga Oo Qalab soo gaarsiisay Wasaarada Ciyaaraha ee Gobolka


Borama(GNA) Waxa maanta la soo gaarsiiyay masuuliyiinta wasaarada ciyaaraha ee gobolka Awdal qalab ciyaareed oo isugu jira Kubado, diyraysyo ay la socdaan dharka kale ee ciyaartoyga loogu talo galay iyo Kabo, kaasi oo ay soo diren Jaaliyada reer Awdal ee dalka Sucuudiga ku dhaqan, waxana munaasabadan goobjoog ka ahaa Isuduwaha wasarada Ciyaaraha ee gobolka Awdal, qaar ka mid ah daneeyayaasha ciyaaraha reer Awdal, gaar ahaan dhalintii ciyaari jirtay sanadihii sagaashamaadkii, dhalinyarada ciyaarta maanta iyo suxufiyiin kale.




Ugu horayn ayaa waxa halkaasi ka hadlay Md. Muuse Faarax Bilaal oo qalabkan ka keenay dalka Sucuudiga isla markaana loo so dhiibay ayaa qalabkan ciyaaraha ku Wareejiyay Md. Cabdiqaadir Nuur Daahir waxana uu yidhi “Qalabkan waxa ii soo dhiibay Jaaliyada reer Awdal ee dalka Sucuudiga, waa qalab ciyaareed oo loogu talo galay in kor loogu qaado tayada ciyaaraha isla markaana lagu dhiiri galiyo dhalinta ciyaaraysa, waxana aan u sheegayaa Jaaliyadii qalabkaasi ii soo dhiibtay inaag gacanta kaga riday Md. Cabdiqaadir, sidoo kale waxa aan dhalinta ciyaaraysa iyo bahda ciyaaraha u sheegayaa in ay Jaaliyadu ogtahay sida aad ciyaaraha mudnaanta u siisaan, sidoo kalena ay diyaar u tahay inay marwalba taageerto ciyaaraha, qalabkan iyo ku la mid ahna soo gaarsiiso, guulna waxaan u rajaynayaa ciyaaraha gobolka Awdal”




Md. Cabdiqaadir Nuur Daahir oo halkaasi ka hadalay ayaa cabiray dareenkiisa waxana uu yidhi “Waa noo farxad in aan helno abaalmarintan qalabka ciyaareed ah ee la na gudoonsiiyay, waa mid muhiim ah oo aan sheegayo in aanay ahayn markii 1aad, 2aad iyo 3aad ee ay soo taageeraan jaaliyadu ciyaaraha reer Awdal, waa markii 4aad ee aan deeqo noocan oo kale ah ka helno, waanan ugu mahadnaqaynaa, waxaanan idinka filaynaa intan iyo in kabadan inaad marwalba nagu soo caawisaan, sidoo kale waxaan si gaar ah ugu mahadnaqaynaa Md. Axmed Ibraahim Cumar (Axmed Gacan) oo qalabkan keenidiisa dadaal badan iska saaray, muujiyayna inay si wanaagsan iskugu xidhmaan Jaaliyada iyo bahda ciyaaraha ee gobolka Awdal, waxana aan sidoo kale soo dhawaynayaa isbedelka lagu sameeyay dhawaan ciyaaraha gobolka Awdal ee dhinaca maamulka ah, waxana aan filayaa inay wax badan ka tari doonto taabogalinta ciyaaraha Awdal ee mudada dheer soo daalaa dhacayay, farxad wayn iyo waxqabadna ay tusi doonto dhamaan bahda reer Awdal ee qurbaha ku dhaqan ee ciyaaraha Awdal sida wayn u danaysa dadaalkana ku bixisa”




Md. Xasan Ibraahim Faarax oo ka mid ah bahda ciyaaraha gobolka Awdal taabogalkiisa garabka wayn siisa ayaa waxa uu u mahadnaqay jaaliyada Sucuudiga ee reer Awdal ee qalabkan soo diray, waxana uu yidhi “Waxa noo farxad ah in aan mar labaad taageero wax ku ool ah ka helno jaaliyada Sucuudiga ee reer Awdal, runtii waa jaaliyad xidhiidh wayni naga dhexeeyo, mana aha markii u horaysay ee ay na gacan qabtaan, hore waxa ay dhinta ciyaarta maanta garab uga siiyeen kharashkii ku baxay booqasho ay ku tagtay magaalada Barbara, sidoo kale waxa aan sheegayaa inay hada ciyaartoyda niyadeedu kor u kacday isla markaana u qorshaysan tahay inay safar ku tagaan magaalada Burco, waxaas oo dhana waxa aan abaal wayn uga haynaa Jaaliyada Sucuudiga ee reer Awdal, waxana aan leenahay Eebe Wayne ha idinka abaal mariyo”




Cabdiraxmaan Cali Yaasiin oo ku hadalayay magaca kooxaha ciyaara maanta ayaa siwayn ugu mahad naqay jaaliyada reer Awdal ee Sucuudiga ee soo dirtay qalabkan, sidoo kalena waxa uu sheegay in qalabkan ay hubaal tahay inay wax wayn ka tari doonaan tayada ciyaaraha iyo hiigsiga kooxii soo maray gobolka Awdal ee ilaa maanta ay ciyaartoydoodu yihiin kuwo siwayn u danaynaya hormarinta ciyaaraha gobolka Awdal.




Isuduwaha Ciyaaraha ee Gobolka Awdal Md. Samaroon Cabdilaahi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay Jaaliyada soo dirtay qalabkan ee ku dhaqan dalka Sucuudiga, waxana uu sheegay in qalabkani uu wax wayn ka tari doono tayaynta ciyaarha iyo kor u qaadka niyada ciyaartoyda ee gobolka Awdal, sidoo kalena waxa uu ku booriyay jaaliyadaha kala duwan ee reer Awdal eek u dhaqan qurbaha inay taageeraan kobcinta ciyaaraha reer Awdal si ayuu yidhi dib loogu hoogsado ama loo soo nooloeeyo sharaftii, kaamadii iyo haybadii guulaha badan horseedi jirtay ee uu ku caanka ahaa ciyaaraha gobolka Awdal.




AWDAL CIYAARAHA (7) AWDAL CIYAARAHA (5) AWDAL CIYAARAHA (4) AWDAL CIYAARAHA (3) AWDAL CIYAARAHA (2)




Wariye:Mustafe caraale




Gobanimo news




Borama office-somaliland