Dhegeyso: Ururrada, Saxaafadda, Xuquuqal iinsaanka, Asxaabta mucaaridka ah iyo Warfidiyeeno Qaylo dhaan u diray Adduunka 10 December.Akhri Warbixin
Hargeysa(GNA)-Afhayeenka Madashada Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Ibraahim cabdilaahi Xuseen (Dhego-weyne) ayaa Maanta si kulul u cambaareeyay Xadhiga iyo Xad-gudubyada ka dhanka ah Xoriyatal Qowlka ee ay Xukuumadda Somaliland ku dhaqmayso.
Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayuu ku sheegay inaan loo dulqaadin Karin tacadiyada ay xukuumaddu ku hayso Saxaafadda, Bulshada Rayidka ah iyo Asxaabta Siyaasadda.
Waxa uu sheegay inay talaabooyinkaasi dhaawac ku yihiin qarannimada somaliland iyo midhihii ka dhashay Halgankii qadhaadhaa ee dalka lagu xoreeyay, hadii ay xukuumaddu ka waantoobi waydo digtaatooriyada ay ku dhaqmaysana shacbigu ka fal celin doonaan.
“Maanta waxa xidhan oo cuntadii ka soomay oo Caafimaadkooda aan war loo hayn oo meel ay ku jiraan aan la garayn Wariyeyaal ay xukuumaddu xidhay, Inamadda xidhan waxa loo diiday in la booqdo oo xaaladooda la ogaado, arrintaasina waxay ka xuntahay tii laga soo dagaalamay ee dalka laga xoreeyay”ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi ku daray “waxaa dhacaya ee Xisbiyada lagu samaynayo, ee saxaafadda lagu samaynayo, ee dastuurka iyo sharciga lagu burburinayo, hadii ay joojin waayaan waa layska celin oo dadku way kici, walaahi waa dib loogu joojin maayo oo waa layska celinayaa, cidna kama qori weyna, cidna kama ciidan badna”ayuu yidhi.
Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen Dhego-weyne,ayaa sidoo kale ku dooday inaanu dhamaan Halgankii SNM ee xoreynta Dalka, ilaa laga helayo nidaam toosan oo dalka iyo dadka Daacad u ah “waxaan leenahay Halgankii SNM muu dhamaan ee wuu socdaa, dadkuna way iska celinayaan inamadan yar yar ee wixii laga soo dagaalamay dalka ku celinaya, ee waxan samaynaya aynu arkayno, ee sharciga ku tumanaya”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Dhegoweyne.mp3"][/audio]
Dhinaca kale, xubin sare oo ka mid ah Madasha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka oo shirkaasi jaraa’id ku wehelinayay, ayaa sheegay in xad-gudubyada xukuumaddu ku hayso dadku ay khatar ku yihiin amaanka iyo kala dambeynta dalka, loona baahanyahay in la joojiyo.
Geesta kale, xubno ka mid ah Hay’addaha Xuquuqal Iinsaanka Madaxabanaan, Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja iyo Warfidiyeeno kale oo warbaahinta kula hadlay Magaalada hargeysa, ayaa si kulul u cambaareeyay tacadiga, cabudhinta iyo handiddaada lagu hayo Saxaafadda.
dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Axmed.mp3"][/audio]
Xubnanaha oo ay ka mid ahaayeen, Xoghayaha Ururka Solja Maxamed rashiid Muxumed Faarax, Guddoomiyaha Daladda Xuquuqal Iinsaanka Madaxabanaan ee Geeska afrika, ahna Guddoomiyihii hore ee Xuquuqal iinsaanka qaranka Axmed, Agaasimaha Bulshotv iyo Tafaftiraha Guud ee Mareegaha Gobanimo News Agency, ayaa beesha Caalamka, gaar ahaan waddamada somaliland ka taageera dimuquraadiyada ka dalbaday inay la socdaan xaaladaha dalka ka taagan iyo sida ay Xukuumadda Siilaanyo ugu tumanayso Dastuurka iyo qawaaniinta dalka u degsan.
“Maanta oo ay Maalin qudha inaga xigto Maalinta Caalamiga ah eeXuquuqal Aaddamaha waxaanu ku dhawaaqaynaa inaanu aasaasayno Foundation-ka Mandela geesigii la dagaalanka midab takoorka iyo Caddaalad darada”sidaasi waxa shir jaraa’id ka sheegay Guddoomiyihii hore ee Xuquuqal Aaddamaha Axmed.
Kaasoo intaasi raaciyay “waxaanu fariin dheer oo aanu ku dalbanayno cadaalad iyo in la dhawro xuquuqda saxaafadda iyo Xoriyatul-qowlka ka diri doonaa Maalinta Xuquuqal Iinsaanka ee 10 December”ayuu yidhi.
Maxamed Rashiid Muxumed Faarax oo isaguna hadlay ayaa sheegay “Hadii xukuumaddu joojin waydo tacadiga iyo cabudhinta ay ku hayso saxaafadda, waxaanu joojin doonaa hadaanu nahay saxaafadda Madaxabanaan Wararka Xukuumadda oo dhan, dabadeed Telefishanka qaranka iyo Dawan oo qudha ayaa shaqayn doona”ayuu yidhi.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/maxamed-ra2.mp3"][/audio]
Tafaftiraha Mareegaha Gobanimo News Agency, Saleban Cabdi Cali (Kalshaale) iyo Agaasimaha Bulshotv Cabdirashiid Nuur Waceys oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku baaqay in xoriyadooda loo soo celiyo dhamaan suxufiyiinta Xukuumadda u xidhan.
“Maanta waa Sagaalkii December, waxa maalin inaga xigtaa xuska Maalinta Xuquuqal iinsaanka Adduunka ee 10 December, waxaanu ugu baaqaynaa hadii aanu nahay Bahda warbaahinta somaliland, Duwalka somaliland ka taageera arrimaha dimuquraadiyada, inay hoos u eegaan oo ay indhaha ku soo jeediyaan waxa ka dhacaya dalka munaasibaddaa awgeed”ayuu yidhi Saleban Kalshaale.
“waa ayaan daro in ciidankii amniga loo adeegsado Suxufiyiinta oo jidh dil iyo tacadiga loo geysto”ayuu hadalkiisa raaciyay.
halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Kalshaale.mp3"][/audio]
Ugu dambeyn xubno kale oo iyaguna ka hawl-gala Hay’addaha Warbaahinta Madaxbanaan oo gooni-gooni ula hadlay warbaahinta ayaa cambaareeyay gabood-falada lagu hayo Warbaahinta iyo dadka ku foogan arrimaha siyaasadda.
Halkan ka dhegeyso cabdirashiid:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/cwarshid.mp3"][/audio]
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com