Friday, December 27, 2013

Somalia: laba Sheikh oo Xilkii ka tirsaday Reysal-wasaare Saacid Shirdoon


Cabdi Faarax Shirdoon oo la sii dardaarmay Reysal-wasaaraha cusub iyo Xasan Sheikh oo gacan qaaday saaxiibkii saacid.Daawo




 







Muqdisho, December 26, 2013(GNA)- Reysal-wasaarihii hore ee Dawladda FS ayaa Maanta xilka wareejiyay todobaadyo ka dib markii xilka laga qaaday.




Munaasabad ballaaran oo ka dhacday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa si rasmi ah xilka ugula wareegay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Somalia Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, waxaana munaasabadan goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinayay Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.




Reysal-wasaarihii hore ee xilka wareejinayay oo xafladaasi ugu horayn ka hadlay ayaa faallo kooban ka bixiyay waxqabadka xukuumadiisa mudadii ay jirtay, isaga oo xusay in horumaro badan laga gaaray Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, gaar ahaana sugida amniga, dhaqaalaha, iyo hagaajinta iyo soo celinta xiriirka caalamka. “Waxaan kula dardaarmayaa walaalkeey Ra’iisul Wasaaraha cusub dulqaad iyo wadashaqeyn dhow oo uu la yeesho hay’addaha dawladda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.




Dhinaca kale waxa munaasibaddaasi ka hadlay  Ra’iisul Wasaaraha xilka la wareegay Mudane Cabdiwali Sheekh Axmad Maxamed, isaga oo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu arko Soomaaliya oo si Dimuqraadi ah xilka kula kala wareegeysa, wuxuuna ku tilmaamay biseyl siyaasadeed iyo horumar aragtida siyaasadeed ee dalka.




Ra’iisul Wasaare Cabdiwali ayaa u mahad-naqay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo golihiisii Wasiirada, wuxuuna caddeeyey inay wax badan  qabteen, inta hartayna ay dhameystiri doonaan.




 “Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa walaalkeey Saacid oo beryihii u dambeeyey ii fududeeyey inaan la qabsado howlaha xafiiska, iina fududeeyey wixii macluumaad ahaa oo ku aadanaa shaqada xafiiska, talooyin wanaagsan oo wax ku ool ahna I siiyay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmad.




Ra’iisul Wasaare Cabdiwali ayaa si kooban uga hadlay muhiimadda xukuumadiisa hortaala isaga oo xusay inay tahay tan koobaad Sugida Amniga iyo Xasilinta, tan labaad Garsoorka iyo Cadaalad, Aas aasida adeegyadii bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada.




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda soo xiray ayaa ammaan iyo mahadnaq u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Xafiiska baneeyey mudane Cabdi Faarax Shirdoon iyo dhamaan golihiisii Wasiirada isaga oo ku ammaanay waxqabadkii ay muujiyeen mudadii ay shaqeynayeen.




 “Runtii Soomaaliya ma joogto maanta halkii ay joogtay 15 bilood ka hor, waxaana xukuumadii hore ay qabatay wax weyn oo muuqda, una muuqda shacabka iyo caalamkaba, waxaana laga sugayaa xukuumada cusub inay howlo dheeraad ah ku sii darto oo ay horay uga sii wado” ayuu yiri madaxweynaha oo shacabka ka codsaday inay taageero u muujiyaan xukuumada cusub, si la mid ah sidii ay u taageereen xukuumadii hore.




Labada xubnood ayaa xafladaasi kula kala wareegay, Documentska xafiiska, tirakoobka shaqaalaha iyo qalabka xafiisku ku shaqeeyo ayaa goobta ku soo bandhigay saddex Documenti oo ka tarjumayay dhamaan Feylasha xafiiska, mashaariicdii ay xukuumadu waday, hindise sharciyeedyadii golihii wasiirada ay u gudbiyeen Golaha Baarlamaanka, tirakoobka shaqaalaha, tirakoobka qalabka iyo Boorso weyn oo Samsonite ah oo uu ku jiray Kitaabka Qur’aanka, Buugga Dastuurka, iyo Documents, taasoo ay la-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xasan Warsame oo hormuud u ahaa guddi ka kooban 15 xubnood oo ahaa (Transition Team), kana soo shaqeeyey munaasabaddan wareejinta xilka ay isku soo duba rideen.




Munaasibaddan ayaa xiiso gaar ah huwanayd, ka dib markii labadii nin ee siyaasadda ku coloobay is gacan qaadeen, isla markaana waji farxad leh uu muujiyay madaxweynuhu.




waxaana la arkayay xasan Sheikh Maxamuud oo si qadarini ka muuqato u gacan qaadaya Cabdi Faarax Shirddoon Saacid.




Halkan ka Daawo Sawirrrada: 




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com