Monday, December 30, 2013

Puntland:Faroole iyo Cadde Muuse oo Gacanta laysu saaray


Natiijada kulanka dhex maray  6 Sano ka dib  




Garoowe(GNA)-Kulan ayaa maanta ku dhex maray Magaalada Garoowe Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole iyo madaxweynihii hore ee xilka ku wareejiyay sanadkii 2008-da Jen. Cadde Muuse Xirsi oo xurguf siyaasadeed beryahanba u dhaxaysay.




Cadde Muuse Xirsi ayaa u taagan Jagada madaxweyneha Puntland, waxaanu qayb ka yahay dhawr iyo toban musharax oo tartan ugu jira Doorashada wali calaamatu s’aashu saarantahay ee bisha Janaury 8 loo cayimay.




Kulanka labada Hogaamiye waxa ka qayb galay saraakiil ka socda Qaramada midoobay iyo xubno kale, hase ahaatee saxaafaddu dibaday ka joogtay.




 U qeybsanaha Xafiiska Qaramada ee Somalia Goboladda Puntland oo ka mid ahaa dadkii ka qayb galay shirka ayaa sheegay inuu isfaham ku dhamaaday.




“Labada mas'uul waxay isla meel dhigeen sidii ay uga wada-shaqeyn lahaayeen doorasho xor ah oo Puntland ka dhacda 08-da bisha Jannaayo ee sannadka soo socda 2014-ka kulankooduna guul ayuu ku dhamaaday” ayuu yiri Nuuradiin.




Jen. Cadde Muuse ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka uu la qaatay Faroole, wuxuuna intaa ku daray inay ka wada hadleen danaha Puntland iyo sidii loo qaban lahaa doorasho xor iyo xalala.




C/raxmaan Faroole madaxweynaha xiligiisu dhamaadka yahay ee Puntland kana mid ah musharaxiinta loolamaysa ayaa sheegay inay doorashada ka dhici doonto todobaadyada soo socda Garowe ay noqon doonto mid taariikhi ah oo lagu wada qanci doono.




 



"Waxaan ku dadaalleynaa sidii ay u dhici lahayd doorasho xalaal ah, waxaan naga go'an horumarka Puntland " ayuu yiri Faroole.




Laakiinse hadalka faroole ee ka dib kulanka dhex maray cadde muuse ayaa ku soo beegmaya maalin uun ka dib markii ay Isimadda Gobolku ka digeen in doorashadu dib uga dhacdo wakhtigeedii.




Gobanimonews




Garoowe Office