Monday, December 30, 2013

Mucaaridka Koonfurta Suudaan oo Dagaal loogu Hanjabay


 







Jubba(GNA)-Madaxweynaha Yugaandha ayaa digniin culus u diray hoggaamiyaha fallaagada Koonfurta Suudaanta.




Yuweri Museveni ayaa sheegay in haddii madaxweynihii hore ee Suudaanta Koonfureed uu diido dedaallada nabaddeed ee ay waddamada gobolka wadaan ay raadsan doonaan.




Dawladda Yugaandha ayaa bilowgii dagaalada Koonfurta Sudan la wareegtay amaanka goobaha dawladda, si aan waxyeelo uga soo gaadhin dagaalka.




Ma cada tallaabada ay qaadi doonaan waddamada gobolka marka la gaaro maalinta berriya, oo ah xilliga kama dambaysta ah ee ay  u qabteen labada dhinac inay miiska wadahadalka so fariistaan.




Hadalkan ayaa soo baxaya  xili ay wali dalkaasi ka sii socdaan qulqulatooyinka iyo dagaaladu .




Madaxweynaha dalka ayaa ku baaqay xabad joojin, laakiinse ciidamada dawladu waxay sheegeen inay dagaal kula jiraan kooxo mucaarida oo ku sugan Goobaha Saliida laga qodo.




Caruur badan oo ka lumay waalidiintooda markii dagaalku qarxay




Kumannaan carruura ayaa waalidiintooda ka lumay, kaddib markii ay colaadda ka socota wadanku bilaabantay.




Hay'adda Save the Children ayaa sheegtay in carruur badan ay iskood ugu nool yihiin miyiga fog ee dalkaas iyo meelo kale oo ay ku gadoonsanyihiin.




Qaar ka mid ah carruurta ayaa goobjoog u ahaa waalidkooda oo la dilayo,  guryahoodana la bililiqeysanayo.




"Muddo saddex maalmood gudahood ah, waxaan diiwaan gelinay 60 carruur ah oo ku cidleysan xero ku taalla caasimada Juba" Helen Mould oo Save the Children ka tirsan.




In ka badan 121,000 oo qof ayaa ka qaxay guryahooda markii uu dagaalka billowday, waxaana qoysaskaasi qaarkood ayaa kala lumay, sida ay sheegtay hay'adda Save the Children.




Hay'adda ayaa intaa ku dartay in caruurta waalidiintooda ka dhuntay ay qaarkood ku dhuumanayaan goobo go'doon ah, oo aysan helayn biyo nadiif ah oo ay cabaan. 




Dagaalka Suudaanta Koonfureed ayaa laba toddobaad ka hor ka billawday caasimada Juba, waxaana uu ku fiday inta badan dalkaasi.




Dhimashada dadka oo kordhaysa




Dad kor u dhaafaya  1,000 ruux, ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen.




Suudaanta Koonfureed ayaa ka go'day dalka Suudaan sanadkii 2011-ka, kaddib sanado dagaallo sokeeye ay socdeen.




Dhexdhexaadiyaal




Dhex dhexaadiyayaal ka socda Bariga Afrika ayaa labada dhinac ee dagaalamaya u qabtay ilaa Talaadada berri ah inay ku soo afjaraan colaadda.




Baaqyo kale oo caalamiya ayaa laga soo jeedinayaa dagaalada, waxaanay Hay’addaha UN-ku sheegayaan in xal deg deg ah loo baahanyahay.