Saturday, December 28, 2013

Labo kooxood oo Soomaali Ah oo Isku Rasaaseeyay Minneapolis


Minneapolis (GNA) Dhalinyaro Soomaali ah ayaa Xalay isku rasaaseeyay Magaalada Minneapolis. Waxay ahaayeen Labo Kooxood oo Watay Labo Baabuur.








 




 




 




 




 




Ma jirin wax Dhimasha ah ama Dhaawac ah oo ay Keeneen Xabadahaas,Waxaa la Isku Xabadeeyay Badhtanka Minneapolis Wadada Clinton iyo Franklyn.




Baabuurtii mid ka mid ah waxaa qabtay police-ka. Waxaa laga Helay Hub, Qof ayaana loo Xidhay Arrintaas.




Qaar ka mid ah rasaastii la is weydaarsaday waxay ku Dhaceen Baabuurtii ay wateen. Dhalinyaro Badan oo Soomaali ah ayaa sanadwalba  ku Dhimatay Magaalada Minneapolis.




Dilalka Intooda Badan ma jiro cid loo xidhay. Police-ka waxay Arrintaas Sabab uga Dhigeen in aysan jirin dad ku Marqaati Fura Dadka Dilalka Geysta




berberanews.-Disk