Saturday, December 28, 2013

Somaliland: Xaqiiq mise Xeelad siyaasadeed?


Hargeysa(GNA) Munaasibad lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa lagu soo bandhigay wasiirada ugu waxqabadka badan xukumada somaliland ee hadda.




Munaasibadan waxa ka soo qayb-galay wasiirada wasaaradaha Duulista,Caafimaadka,Gaashaandhiga, Kalumeysiga, Gudoomiyaha Bisha Cas,Agaasimaha Wasaarada Kaluumeysiga Iyo Dhalinyaro tiro badan.




Waxa soo agaasimey ururka dhalinyarada ee magacooda la soo gaabiyo (SYVEDA), waxaana lagu shaaciyay  qiimeyn uu ururku sameeyey oo lagu soo bandhigayey Masuuliyiin xukuumadda ku jira la sheegay kuwa ugu  Wax-qabadka badan xukuumada madaxweyne siillaanyo.




Masuuliyiinta Ururka soo bandhigay ee waxqabadka lagu suntay ayaa kala ah wasiirada wasaaradaha Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, Maaliyada C/asiis Maxamed Samaale Qorsheynta qaranka Dr Sacad Cali Shire,Ciyaaraha Cali Siciid Raygal , Caafimaadka Saleebaan Ciise (Xagle Toosiye), Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadani ,Kaluumeysiga Cali Jaamac Faarax(Buureed), Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Agaasimaha guud ee Wasaarada Kaluumeysiga Mudane Maxamed Cilmi Adan(Ilka case),Gudoomiyaha bisha cas Axmed Cabdi Bakaal, Mulkiilaha Hotel Maansoor C/qaadir  Xaashi Cilmi  iyo Taliyaha Ciidanka Booliska C/laahi Fadal Iman.




Gudoomiyaha Ururka SYVEDA C/Casiis Ismaaciil Qalinle oo faahfaahin ka bixiyey sida ay ku xuleen Masuuliyiintan ayaa yidhi “waxaan gobolada Somaliland ka soo ururinay cilmi baadhis ama qiimeyn aanu ku sameynay hayadaha dawlada iyo kuwa madaxa banaan ee ugu wax qabadka badan,anagoo dadka aqoon yahanka ah su’aalo ku saabsan fikirka ay ka haystaan wasaaradaha iyo hayadaha madaxa banaan kuwa ugu wax qabadka badan in ay sheegaan , waxaana  soo baxday Wasaaradaha iyo Haayada bisha Cas ee Kor ku xusan in ay yihiin kuwa ugu wax qabadka badan wasiiradaha xukuumada Somaliland taasina ay nagu dhalisay markii aanu ogaanay in hayadahaasi yihiin kuwa ugu wax qabadka badan in aanu u sameyno munaasibadan aad caawa ka soo qayb gasheen”.




Marka laga reebo Hay’adda Bisha Cas Masuuliyiinta kale eek u xusan liiska madaxda ku jirta qiimeynta Ururku sameeyay , waxa ka muuqda buunbuunin sal balaadhan.




Marka dhinac laga eego masuuliyiintani waa kuwo wax badan qabtay oo ka mid ah ashkhaasta ugu saameynta badan maamulka, hase ahaatee waa kuwo waxqabadkoodu isugu  jiro hagar daamo iyo wanaag labadaba.




Hadii qiimeyntu sidaasi tahay waa mid ay bulshadu qaadan karto, hase ahaatee hadii dhinaca wanaaga uun laga eegay, uma muuqato inay masuuliyiintan badankoodu mutaysteen in shahaado lagu maamuuso, isla markaana lagu qiimeeyay .




Cali Guuleed Sheikh




Hargeysa/Somaliland