Sunday, December 29, 2013

Tv.ga Qaranka Madaxii Wararka ee ugu Wanaagsanaa Wuxuu ahaa Xamse Cali Bulbul”By Muuna


Tv.ga Qaranka Madaxii Wararka ee ugu Wanaagsanaa Wuxuu ahaa Xamse Cali Bulbul Balse Sifo Sharci Daro ah ayuu Xilka Uga Qaaday Wasiir Cukuse.




tan iyo markii madax wararka laga dhigay Xamse Cali bulbul xilkaasi oo uu u magacaabay maareeyaha tv.ga qaranku ayaa waxa laga dareemayey mudadii uu xilka hayey Xamse Cali Bulbul warar tayo leh iyo isky duubnida shaqaalaha balse tan iyo markii xilka laga qaaday xamse cali bulbul wuxuu isku bedelay studiowgii tv.ga qaranku maqaaxi lagu qayilo oo qaadka iyo sigaarku hoy u noqdeen , oo madaxa wararka ee xiligan ninka lagu magacaabo maxamed siciid oo ah oday weyn oo aysan isla jaan qaadi karin dhalinyarada wariyayaasha ah ee ka hawl gala tv.ga qaranka , madaaba oo uu maxamed siciid yahay nin had iyo goor qaadku afku ugu jiro dhalinyarada badkooduna aysan cunin qaadka ayaa waxaa dhacda in ay isku dhacaan maxamed siciid iyo dhalinyarada wariyayaasha ahi oo ka xishooda oday maxamed siciid balse isagu uu mar marka qaarkood kula kaco dagaal gacan ka hadal ah, taasi oo ka baxsan anshaxa iyo hanaanka shaqo ee tv.ga qaranka, ninka maxamed siciid oo uu wasiir cukuse halkii uu ka qaaday xamse cali bubul u magacaabay ayaa ah nin inta badan dabeecad adag oo ay isku dhacaan dhalinyarada ka hawl gasha tv.ga qaranka ,balse ujeedada ugu weyn ee uu wasiir cukuse ka laha ay ahayd sidii tv.ga qaranka ay u lumi lahayd habsami u socodka shaqadiisu.




tv.ga qaranka oo ah hal bowlaha xukuumada ayaa hada ku dhaw in uu hawada ka baxo waayo wasiir cukuse ayaa ku furay tashwiish iyo iska hor imaad dhinaca shaqaalaha ah, iyadoo markasta la arko wasiir cukuse oo telefan kula soo hadlaya madaxa wararka maxamed siciid oo ka waraysanaya ma soo galeen shaqaalihii taageersanaa maareeyaha kuwaasi oo uu wasiir cukuse colaad gooni ah u qaaday, si ay shaqada tv.gu u joogsato.




Qalinka:Muna Maxamed




Email:muna12@gmail.com




Hargeysa/Somaliland