Saturday, December 28, 2013

Warqad furan oo ku socota beesha bariga burco


Tariikhda xukuumada siilanyo waxay  maskax caafimaad qabta ku shaqaysay  2010 iy0 2011kii laga bilaabo 2012 waxaa taladii dalka maroorsaday cid aan ehel u ahayn, laguna sunti Karin (BBB) beesha bariga burco, hadaba maxaa la gudboon eedaysanayaasha guud oo ah bbb?                                  




hadaynu wax kazoo qadano dhacdooyinka isdaba jooga ah ee waawayn




1    Doorashoyinkii golaha degaanka                                                                                                                     waxay soo afjartay dimuqratiyadii Somaliland ee xukuumadihii hore soo unkeen ee siilanyo lagu soo doortay ujeeda ugu wayn ee laga lahaana waxay ahayd in aan xisbiga kulmiye dhicin iyo in cidii ilko qabow la bidaa soo baxdo sida Ucid iyo Xaqsoor ama Wadani, ma ahayn arin beelaysan oo ururkii RAYS lama rideen ee waxay ahayd arin ay ka taliyeen cid aan ehel u ahayn siyaasada, wada lahaansha, dimuqraatiyadda iyo horumarka dalka iyo dadka ee ka duulaysay dan shaqsiya iyo aragti yar oo gaaban, waxaa ogtihii in dhimasho badan iyo dhawac ka dheceen Hargeysa, Burco, Boorama, Ceerigaabo, Berbera iyo Saylac goob kastana waxaa dilka iyo dhawaca ka gaystay ciidamadda dawladda, hadaba siilanyo mayahay ninkii ka aamusi lahaa ee aan cid u xidheen, cid u eryeen ama aan waxba ka qabteen maaha siilanyihii aynu naqiin  mana aha ninka dimuratiyadii Somaliland geeyey xabaalaha malko durduro, ma siilanyaa ninka ka aamusan waxa dhacay ee aan sadex sandood qudbad qiimo leh aan u jeedin shacabkiisa, maya




 




2       Wada hadlkii  soomaaliwayn                                                                                                                                  maxaa kazoo baxay maxaase dadka looga sheegay, xagee Xirsi kazoo galay xaguuse ku dhamaaday  ma gabaygii Xirsubuu ku dhamaaday, dadkay u taal inay ka jawaabaan




 




3       Dalkan dawladaha kale ka dhex jiraan ee raalida laga yahay, dalkan shir beeleedyada dawladu qarashka ka bixiso, dalkan dilka iyo dhiiga ciidankiisu fasaxa u haysto ee shacabka rru loo adeegsanayo,   dalkan aan lahayn aragti dheer oo siyaasadded yaa ka taliya?




 




4       Musuqmaasuqa                                                                                                                                                 Air boorka iyo $10,000,000  milyan ee doolar, xaq u qalikii genel energy iyo 10 shirkadood ee shidaalka, dadkii lagu dhacay iyo 100 baabuur nabarka cas ee cashuur dhaafka lagu soo geliyey dalka hadan laga kireeyey shirkadaha hadan ku xeraysan Hargeysa yaa leh                    Deeqa horumarineed ee cadaanka (cashka)lagu radinayo ee in shaqo lagu qabto loo diiday ee ay ka midtaha tii wadooyinka iyo 50 milyan ee yurub inoogu deeqday (new dealka)   ma Siilanyaa ka taliyey xaasha maaha siilanyo ee hala baadho cida dumusay dalka




 




5       Cashuurtan bilkasta kordhaysa ee 300% korodhay sadexdii sano




 




6       Jabka iyo muranka xisbiga kulmiye ee sanad jirsaday yaa ka danbeeya maxaa ku huursan yaa ka talinaya?




 




7       Misaniyadii sanaduuqda gaarka ah loo samaystay  (sanduuqa kaydka qaranka, hayada abaabul ka saarka, w/ madaxtooyadda, w/ warfaafinta, TVga qaranka iyo hayadaha aan jirin) yaa loo sameeyey lacagtaa malayiinta doolar ah waynu ognahay oo Siilanyo maaha nin lacageed ee dalkan ayaa ku xoogsanaya ayaan u dhalan ee ingu dhex jira ma xamarbaa ma xagjirbaa  ma xaaramiyiinbaa hashu hashu maan kaygii gadee ma maansaar bay liqday




 




8       Sharci darada baahsan ee dalka ka jirta, cabudhinta xisbiyadda, cabudhinta iyo xadhiga saxaafada ayaa dani ugu jirtaa?




 




9       Faro gelita iyo isku dirka hayadaha dawladda, yaa dani ugu jirtaa ma xamarbaa ma xeeladbaa maku xumaynbaa ma xabaalaha malko durduro geebaa umadda wax haloo sheego?




 




10 Yaa ka danbeeya in hayad kasta oo dhaqaale leh loo raro madaxtooyadda ma ku urursaa ma ka urursaa ma wax la arki doonoo la asturayaa ma ku xumayn (BBB) ma cidaan baqaynbaa?




 




11 Hayadaha wakhtigoodii dhamaaday sida ( diiwaan gelinta ururadda) yaa dani ugu jirtaa in ay qaranka dulsaar ku ahaadaan iyaga oo shaqadoodii iyo wakhtigoodiiba dhamadeen ma waxaa saxa 10 sano hala biiliyo mawaxaa saxa markii golaha wakiiladu diideen madaxweynu inuu qoro waraaq sharci daro ah jeebka qaranka halaga biiliyo markii laga reebay misaniyadii 2014 waamaxay danta ku jirtaa ee gaarka ahi?




 




Waxaa mahad naq balaadhan iyo bogaadin mudan culimadda iyo gudidda burco ee umadda reer Burco ugu baaqay inay is dejiyaan ugana tacsiyeeye dhibtii ka soo gaadhay RRU iyo Xukuumadku sheegta Siilanyo iyo xusbiya qaran ee mucaaridka ah oo ku canaantay cida qaska wada oo ah xukuumadda Siilanyo




 




Waxaa canbarayn iyo ceeba mudan calooshd u shaqaystayaasha, Odayaal kusheega sacabka Xirsi ah ee iyada oo burco dil iyo dhaawac yaaliin ka hadlayey horumarka kuna tageerayey dilka iyo dhawaca ciimada Siilaanyo gaysteen ee garan wayey tacsi dira ama iska aamusa oo ceebta beesha ku taal hasii dhaqdhaqaajinina waxaanu leenahay waar reerku qimihiisu maaha  sh/SL 2000000 labada milyan ee Xirsi idiin qoray caado qatayaalyahaw, beesha bariga burco waa isaaq badhkii mana aha beel cid aan talin oo hawl gabah magaceeda lagu dilo ee waxaanu cod dheer ku leenahay dalkan cidii ladoortay kama taliso ee dalkan hala badbaadiyo beesha bariga burcona uma dhama xumaanta socota ee lagu shabadaynayo




 




Ganacsatada waaweyn ee baloodhada xaaranta ah sumcadooda iyo dalkaba ku burburinaya waxaanu leenahay Illahay aamina waa kii abaayashiin siiyey xoolaha aad haysataan oo ka daya xaraanta ubadkiin kana fekera in ay imandoonto maalin layska xisaabiyo hantida umadda aad boobaysaan ee xaalka la idiin siinayo sidii SSDF tii, waad aragtaan oo ssdf ma haysato hargeysa, burco iyo berbera  miskiinbaa misko la fuulo leh idiin shaqaynmayso ee toobad keena




 




1       boostii hargeysa ee saldhiga dhexe u dhowayd




 




2       xanaanadii dumarka iyo caruurta ee suuqa hargeysa




 




3       qaybihii ka hadhsanaa tiyaatarka hargeysa




 




4       xeradii ciidanka circa ee madaarka hargaysa




 




5       net fishkii berbera




 




6       dhamaan guryihii iyo dhulkii banaanaa ee shacabka hargeysa, burco iyo berbera




 




marka hore arinkanu waa xaalad abuur ah in dadku isku dilaan dhulkii danta guud ee xukuumadu masuulka ahayd iyada oo uga jeeda laba shay in la boobo hantidii umadda iyo in qofba qof la sudho si musuqmaasuqa iyo ceebaha talo xumo loogu qariyo




 




 




 




dardaaran iyo gebo gebo




 




waxaanu bulshadda Somaliland ee beelaha ka kooban cod dheer  ugu shegaynaa .




 




1       in aanu arinku ahayn arin beelaysan ee aytahay ku xumayn aan lagaran meesha ay ka socoto




 




2       in mudada ay sii socon kartaa tahay mid kooban ee samirka la ogaado




 




3       in libaxyadii beeshu noqdeen canaan ka yaab iyo ceeb u hiilin




 




4       in aananay beesha guud qabin sed bursiinyo u gaara ah, hal laba midigoodle dhengedeyey dhinaca u bedqabo, weeye xalkeedu




 




5       in aan beeshu ku ceebsanayn cidkasta oo cabanaysa, falaadhi gilgilasho gagama godo weeye xaalkeedu




 




6       kusiga ma geydaan iyo midhihii garadag ayaynu wada guranaynaa




 




7       in doorasha duqayda deris laga barto oo loo hogansamo dada hawl gabka ( retirement age) waana doorateene hana diidina




 




fariinta bbb




 




1        wax garadka iyo gacansatada waxaydaan ogolateen hayeelina danta siyasadeed iyo mustaqbalka jiilasha danbe ilaaliya naf magac wayday manfacna hawaydo, hana noqonina qaybiyihii qaatay ee aan waxba qadan




 




2       waxaad qarisaa way ku qarsadaan ee waa in laga helaa bbb cid ka badheedha culayska iyo ceebta bbb ugaarka ah ee cidda kale wado




 




3       waxaa canaan leh in ku dhac laga dhex wayo bbb bal hatan jabnaye warbaahinta aan ka canbarayno sumcad xumada bbb ku dhacday




 




4       dalka, dadka iyo beeshaba aan badbaadino, inagu duntee aan diidno




 




 




 




saldiinta, boqorada, cuqaasha, wax garadka, aqoonyahanka, qurba jooga, dhalinyaradda iyo haweenka bbb waxaanu ugu baqaynaa in laba xaladood laka doorto.




 




In Somaliland waynu udhalanay  u soo dhimanay oo usoo samiray ee aynu toosino oo ka badheedhno qaloocana ka qabano cidkasta oo wada




 




                                                          Iyo 




 




            In ay inagu dunto denbiga aynu qaadano




 




                               Waa bilaahi tawfiiq




 




 By: Saalax Cilmi