Saturday, December 28, 2013

R.wasaaraha Somalia ayaa maanta Booqday Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame


Muqdisho (GNA) Ra’iisul Wasaare Cabdiweli SheekhAxmed Maxamed ayaa gurigiisa ku booqday Fanaanka weyn ee Cabdi Tahliil Warsame oo in muddo ah xanuunsanaya. Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu aad uga murugooday xaaladda adag ee Cabdi Tahliil, wuxuuna Alle uga baryay Caafimaad deg deg ah. “




“Fankeena Soomaaliya wuxuu kaalin weyn ka soo qaatay wacyigelinta bulshada, waana laf dhabarka horumarka iyo is dhexgalka bulshada, waxaan halkan ka bogaadinayaa dowrkoodii wanaagsanaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo salaan diiran u diray dhamaamba Fanaaniinta, Abwaanada iyo howlwadeenada fanka.




Gobanimonews-Disk