Monday, December 30, 2013

Xad-gudubyo ka dhan ah Suxufiyiinta oo la soo sheegay Kismaayo


Kismaayo(GNA)Waxa xalay fiidkii gurigooda lagala baxay Nasteexo Maxamed Cumar, oo kamid aheyd wariyaasha ka howlgala magaalada Ksmaayo ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegayaan wariyaasha ku sugan Kismaayo.




Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Juba ay gabadha kala baxeen xaafada Suuq Mugdi oo ku dhow Aargada Kismaayo, iyadoo la sheegay inay handadeen reerkooda.




 waxaana la sheegay inay ka kaxeysteen gabadha iyadoo aan la ogeyn meel ay geeyeen, sida uu sheegay Aabaha dhalay  gabadha, kaasoo  xaqiijiyay in gabadhiisa ay afdubeen ciidamada maamulka KMG ee Juba.




Sidoo kale maalinamadii shalay ayaa la sheegay in ciidamada Jubba ay xereen wariye ka howlgalayay Radio Kismaayo oo ku hadlaya afka maamulka KMG ee Jubba.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Jubaland, laakiinse dhacdooyinkan ayaa ah kuwo isa soo taraya, waxana hadii ay jiraan ay cawaaqib xumo noqonayaan xaalada suxufiyiinta ka hawl-gala Gobolka oo hore dhibaatooyin ugala kulmi jiray siyaasadihii isdiidanaa iyo kooxihii halkaasi ka talin jiray.




Inkasta oo bilihii u dambeeyay ay magaalada Kismaayo ku soo badanayeen dilalka qorsheysan ee dadka rayidka ahi, afduubka suxufiyiinta ayaa ah arrin ugub ku ah.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobaniminews.com