Saturday, December 28, 2013

Madaxweyne Siilaanyo: Illaahay ha u naxariisto Marxuum Axmed Muuse”


Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii, uu ka baxay Marxuum Axmed Muuse Cabdi oo ku geeriyooday 28.12.2013 magaalada hargeysa laguna aasay maanta, marxuumka oo beryahanba xanuun u jiifay kana mid ahaa odayaasha waa weyn ee dalka.




Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.




IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN




Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)




    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.