Friday, December 27, 2013

Prof. Axmed I. Samatar: Shantii biloodba waxaan ahaa Safiir bilaa Mushahar ku shaqeeya”


Axmed Ismaaciil Samatar oo Somaliland ku soo laabtay xili Xaasaasiyad siyaasaddeed dalka ka jirto, muxuuse u socday?




Hargeysa(GNA)-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa soo gaadhay Magaalada Hargeysa.




Waa aqoonyahan Somaliland u dhashay oo siyaasadda Somalia 23 sanadood ku soo dhex jiray, balse sanadkan  sii galbanaya ku soo laabtay Somaliland, ka dib markii uu ku guul-daraystay madaxweynimada Somalia sanadkii la soo dhaafay.




Badhtamihii sanadkan 2013-ka ayuu safar uu ku Somaliland, waxaanu booqday lixda gobo lee dalka.




Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ku soo dhaweysay meeqaam sare iyo maamuus indhaha dadka Gobolka soo jiitay.




Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa Maanta oo Khamiis ah ka soo degay Madaarka Diyaaradaha ee Caasimadda Hargeysa, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.




Markii uu ka soo degay Gegida Diyaaradaha, waxa uu sheegay inuu ku faraxsanyahay in mar kale lagu soo dhaweeyay waddankiisa Somaliland.




Waxa uu intaasi ku daray inuu wax badan dibada ka soo qabtay shantii bilood ee uu dalka ka maqnaa.




“wax badanbaan soo qabtay shantii bilood ee dalka aan ka maqnaa, waanan ku faraxsanahay inaanu ku soo laabto dalka”ayuu yidhi.




Prof. Samater, oo la waydiiyay waxa uu Somaliland u soo faa’ideeyay mudadii koobnayd ee uu ku maqnaa dalka Maraykanka oo uu deggan yahay, ayaa ku jawaabay.




“Waddan dhan horusocodkiisu waa dadka oo dhan, qof ama laba wax ay tari karaan way iska yar tahay, laakiin shantii bilood ee aan idinka maqnaa annigu waan dedaalay oo dhul badan ayaa ka hadlay, Telefiishanada Maraykanka waan ka hadlay, Madaxda Maraykanka qaarkood waan la hadlay oo arrinta Somaliland-baan ka hadlay, siday uga duwan tahay waddanka intiisa kale ayaan ka hadlay, waxay qabsadeen dadka Jamhuuriyaddan ku nooli, oo ay ugu yar tahay dadkii qoxootiga u baxay markii Hargeysa iyo Burco ay garaacayeen ciidamadii dawladdii (Siyaad Barre) ee ka baxsaday cadaawaddii halkan ka taagnayd ay dib ugu soo noqdeen dalkoodii oo dib u dejin dalkoodii loogu sameeyay, taasi weli kamay dhicin Koonfurta Soomaaliya, markaa waxyaabo badan oo u gooni ah dadka reer Somaliland, ama taariikhiyan ha noqoto ama siday maanta yihiin ayaan isku dayey inaan adduunyada gaadhsiiyo, wax badana aan ka qoro, in badana waad dhageysateen ayaan filayaa doodo badan, markaa is xil-qaanka aan is xilqaamay wuxuu noqday inaad safiir bilaash u noqdo Jamhuuriyadda Somaliland” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray inuu diyaar u yah




Axmed Ismaaciil Samatar ayaa dhawaan sheegay inuu noqonayo Askari difaaca Qadiyadda Somaliland “waxaan noqon doonaa askari difaaca Qaddiyadda Somaliland inta noloshaday ka hadhay”.




Dadka ka faalloodda arrimaha siyaasadda Somaliland ayaa aaminsan inuu miisaan ahaan wax badan ku soo kordhinayo siyaasadda waddanka.




Dadka qaar ayaa dareen ahaan isweydiinaya sababta ku soo beegtay xiligan siyaasaddaha murugsani ka taaganyihiin Waddanka, waxaanay imaatinkiisa u sibir-saarayaan inuu door ka qaato arrimaha socda.




Laakiinse shakhsi ahaan isagu mawducaasi marna kamuu hadal, kamana muuqado dareen siyaasadeed oo uu meel ku waajahayaa xiligan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews