Friday, December 27, 2013

Dhegeyso: Prof. Samatar oo dhibsaday Su’aalo Wariyeyaashu ku waydiiyeen Madaarka Hargeysa


“Axmed Ismaaciil Samatar oo sheegay inaanu Kursi u soo doonaan Somaliland”muxuuse u socday?dhegeyso




Hargeysa(GNA)-Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa warbaahinta u sheegay inaanu Kursi doon ahayn, ee uu waddankiisa u yimi dal iyo dad barasho.




Profeser-ka ayaa markii lagu soo dhaweeyay madaarka Hargeysa, warbaahinta la hadlay, waxaanu sheegay inaanu hunguri ka hayn Mansab laga siiyo Xukuumadda talada haysa.




Su’aallo ay warbaahintu waydiisay ayuu dhibsaday, waxaanu ku sheegay inaanay munaasib ahayn in taag taag iyo halkan oo kale lagu waraysto, balse uu dib warar badan u bixin doono.




Halkan ka dhegeyso Warbixinta uu siiyay warfidiyeenada iyo Jawaabaha uu ka bixiyay su’aallo la waydiiyay:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Prof-2.mp3"][/audio]




Soo dhaweynta Axmed Ismaaciil Samatar waxa hogaaminayay Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Baddaha ee Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel jirre), iyo xubno ka mida Golaha Wasiirrada.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com